Ururka OIC oo cambaareeyay weerar ka dhacay dalka Soomaaliya

Image

GAALKACYO, Mudug – Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa shaaciyey in uu cambaareynayo weerarkii 21-kii December, 2019, lagu qaadey huteel ku yaala Koonfur Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug.

War-saxaafadeed kasoo baxay ururka OIC ayaa lagu sheegay in ay tacsi u dirayaan eheladda dadkooda ku waayey dhacdadaas.

Dr. Yousef Al-Othaimeen, xoghayaha guud ee OIC, ayaa soo kabasho degdeg ah u rajeeyay bukaanadda wax ku noqday falkaas.

Xoghaye Al-Othaimeen ayaa ku nuux-nuux saday in ay ka taageeri doonan Soomaaliya sidii loo ciribtiri lahaa argagixisada.

"Waxaa naga go’an in aan cambaareynayo kana taakuleyn Dowladda Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah xagjiriinta," ayuu raaciyey.

Ugu yaraan shan qof ayaa lagu dilay qaraxa oo lagu weeraray huteel oo ay shir ku lahaayeen taliyeyaal ciidan iyo saraakiil sar-sarre.

Sidda laga soo xigtay saraakiisha, in ka badan 40 qof oo isugu jira ganacsato iyo shacab ayaa ku dhaawacmay weerarkaas oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey qarax oo uu waday naftii hore.

Qaraxaas ayaa noqday midkii labaad oo noociisa ah oo kaliya sanadkan sii idlaanaya ee 2019 ka dhaca koonfurta magaaladda Gaalkacyo oo uu ka jiro maamul hoostaga dowlad goboleedka Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM