Villa Somalia oo fadeexad dhexda ka gashay markii ay xadey barjaamijka Uhuru

Image

MUQDISHO, Somalia - Villa Somalia ayaa dhexda ka gashay fadeexad markii Website-keeda (https://villasomalia.gov.so/en/) kasoo muuqday sawirka Madaxweyne Farmaajo, oo lagu dul-xarday barnaamijka siyaasadeed oo uu leeyahay Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta.

Kooxda warbaahinta u qaabilsan Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa kasoo min-guuriyay [Copy] Website-ka Madaxtooyada Kenya (http://www.president.go.ke/) barnaamjika siyaasadeed ee Uhuru oo loo yaqaano “Afarta waa weyn” [The Big Four”, oo kala ah: Sugnaanta cuntada, guryo raqiis ah, wax soo saar iyo daryeel caafimaad dadka oo dhan. 

Madaxweyne Uhuru ayaa qodobadaan ku galay olalaha doorashadii ugu dambeysay ee sanadkii tagey, iyadoo qorsheyaashii Farmaajo usoo bandhigay shacabka aysan ku jirin mid kamida arrimahan.

Baraha Bulshada ayaa si weyn loogu falan-qeeyay xatooyadda barnaamij siyaasadeedka Uhuru, iyagoo arintan ku tilmaamay fadeexad iyo ceeb qaranka loo soo jiiday.

Xildhibaan Axmed Maclin Fiqi, oo kamida Gollaha Shacabka ayaa sheegay in tani ay horseedi doonto in dib loogu noqdo qorshayaasha siyaasadeed ee Farmaajo, oo la iska eego mid walba meesha laga Soo koobiyey.

"Marka aadan lahayn hal-abuur siyaasadeed way dhacdaa tani oo kale," sidaasi waxaa bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga soo dhigay Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo si adag u dhaliilsan xukuumada talada haysa.

Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada ka aragtida duwan maamulka Farmaajo oo adeegsanaya baraha ay bulshadu ku kulanto ayaa ku maadeysanaya dowlada, iyaga oo nasiib daro ku tilmaamay talaabadaan.

C/fitaax Tahir, oo ah Xildhibaan Gollaha Shacabka katirsan ayaa yiri: "Madaxweyne Farmaajo wuxuu sidiisa usoo minguuriyay nuqul ka mid ah hal ku dhigyada Madaxweyne Kenyatta. Waxa suuro gal ah in dacwad xuquuda nuqulka ah (copy right) la inoo qabsado magdhowna la inaga dalbado. Miisaaniyada dalkeenuna aad ayay u yartay".

Qoraalkan iyo sawirka ayaa laga saarey bogga Villa Somalia, qeybta English-ka, kadib markii fadeexad kala kulantay, oo hadal-heyn badan ka abuuray baraha Bulshada.

Tan iyo markii la doortay Farmaajo, Villa Somalia ayaa muhiimada 1aad siiyay aamusinta siyaasiyiinta ka feker duwan, iyadoo shaqsiyaadka saameynta ku leh Facebook loo qoray lacago bille ah, si ay dacaayado ugu sameeyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga Oo Heshiis Amni la galay dowladda Soomaaliya

Heshiiskaan ayaa qeexaya iskaashi toos ah oo u dhexeeya Waaxda Ammaanka Madaxtooyada Sacuudiga iyo hay’adda sirdoonka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    21-05-2025

  • 08:57AM

Macwiisleyda Xawaadle oo Kaligood Ku Noqday Dagaalka Al-Shabaab, Iyagoo Difaacaya Deegaanadooda Hiiraan

Ugu dambeyn, xaaladda gobolka Hiiraan waxay mar kale muujinaysaa sida uu amniga dalka ugu xiranyahay dadaalka bulshada deegaanka

  • Soomaliya

    21-05-2025

  • 07:35AM