Villa Somalia oo lagu dhaliilay inay ka gaabisay xalinta khilaafka dalka ka jira

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geedi, oo warfidiyeenka uwaramay ayaa ku dhaleeceeyay dowladda dhexe inay ka gaabisay xalinta is-marin-waaga siyaasadeed ee kala dhaxeeya dowlad goboleedyadda.

Geedi ayaa ku doodaya in dowlada Federaalka ay qaadeyso masuuliyada “wax kasta” oo dalka ka dhaca, sidaas darteeda, looga baahnaa inay ka hortegto kahor inta uusan khilaafku gaarin heerka uu haatan marayo.

“Madaxda dowlada dhexe iyaga ayaa laga rabaa inay xaliyaan wixii dhib ah…Waxaa kahoreysa inay ka hortegaan inta uusan imaain, hadii uu yimaado, waxaa laga rabaa inay ka dabatagaan oo ay xaliyaan,” ayuu yiri.

Dhinacyadda is-haya ayuu ku booriyay Ra’iisul Wasaaraha dowladii ku meel gaarka Soomaaliya inay ku dadaalaan sidii loosoo afjari lahaa siyaasada cakiran ee haatan dalka ka taagan looguna bedali lahaa mid fur-furan.

Cali Maxamed Geedi oo haatan ku sugan magaalada Kismaayo ayaa la kulmay masuuliyiinta ugu sareysa dowlad goboleedkan, xili la rumeysan yahay in qodobada ay isla soo qaadeen ku jirto xiisada taagan.

“Dowladda waa waalid…Mar kasta oo ay is-qabtaan waliid iyo caruurtiisa, xalka waxaa laga doonayaan waalidka…Marka waxaan rajaynayaa inay xalka keeni doonan madaxda dowlada dhexe,” ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

Is-marin-waaga siyaasadeed ee dalka ka jira oo bilooyin jir-saday waxaa laga cabsi qabaa inuu sii taagnaado, xili dowlad goboleeyaddu qaarkood ay kusoo food-leedahay doorashooyin madaxwayne.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM

Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 09:23AM