Villa Soomaaliya oo ka warbixisay wada-hadalka Farmaajo iyo Afwerki

Image

ASMARA, Eritrea - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Asmara ee xarunta dalka Ereteriya, ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey dhiggiisa dalkaas Mudane Isaias Afwerki, waxayna labada Madaxweyne salaan sharaf ka qaateen cutubyo ka tirsan baambayda dalkaas.

Madaxweyna Farmaajo oo casuumaad rasmi ah oo qaadanaysa muddo labo maalmood ah ku joogaya Asmara ayaa wada-hadallada uu la leeyahay Madaxweyne Afwerki ay ku lafa-guri doonaan sidii loo dardargelin lahaa dhismaha hannaanka iskaashiga diblumaasiyadeed iyo dhaqan-dhaqaale ee labada dal, kaas oo ay Madaxdu isku afgarteen bartamihii sanadkii 2018-kii.

Labada Madaxweyne oo kulan saacado socday ku qaatay Madaxtooyada Asmara ayaa iska xog-waraystay dadaallada wadajirka ah ee labada dal ay ku xoojinayaan xiriirkooda walaaltinimo iyo xaaladaha u danbeeyey ee la xiriira xasilloonida amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee Gobolka.

Madaxweyne Afwerki ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga wehelinaya aqbaaladda martiqaadka uu u fidiyey, isagoona tilmaamay in is-dhaafsiga booqashooyinka heer Madaxeed ee Soomaaliya iyo Ereteriya ay adkeysay kalsoonida iyo wax-wada-qabsiga labada dowladood.

Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka Ereteriya soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka heerka sare ah ee ay ku maamuuseen isaga iyo wafdigiisa.

Madaxtooyadda Soomaaliya

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM