Villa Soomaaliya oo martigelisay shir ku saabsan doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra'iisul Wasaare Rooble, ergayga Qaramada Midoobay, James Swan iyo hogaamiyeyaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle kuna wehliyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa isugu yimid shir looga hadlayo khilaafka doorashooyinka.

Sidda ay xoguhu caddeynayaan, fadhigan gaarka ah oo ay ka maqan yihiin madaxda maamuladda Puntland iyo Jubaland waxaa martigelineysa Madaxtooyadda Soomaaliya.

Musharax madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa si weyn uga soo horjeestay kulankan deg-deg ah.

"Kulanka James Swan, Guudlaawe, Qoorqoor iyo Laftagareen ay Villa Soomaaliya kula leeyihiin Farmaajo waxaa lagu dabuulayaa weerarada ka dhanka ah banaanbaxayaasha iyo madaxwayneyaashii hore. Kahor inta aan la qaban doorashooyinka waa muhiim la xaqiijiyo xorriyadda siyaasiga ah taasoo shardi u ah coddeynta," ayuu ku caddeeyay mowqifkiisa.

Jimcadda todobaadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii ciidamadda ammaanka ay rasaaseeyeen mudaaharaad nabadeed oo Midowga Musharaxiinta ay qaban-qaabiyeen kaasoo lagu dalbanayey in doorasho hufan dhacdo.

Habeenimadii Khamiista ee isla asbuucaas, iska-hor-imaad ayaa ka dhacay nawaaxiga Hotel Maa'ida oo ay maalin kahor u dageen Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed abaabulka dibad-baxaas awgii.

Soomaaliya ayaa u muuqaneysa mid dhexda ka gashay qalalaase dhanka doorashooyinka ah markii muddo xileedka hay'adaha dastuuriga ah uu dhamaadey iyadda oo uusan caddeyn qorshaha xigga ee waddanka uga badbaadayo firaaq dastuuri ah taas oo muuqata in ay haatan jirto isla markaana wali aanan heshiis mideysan laga gaarin doorashooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM

Turkiga oo kordhiyay Maalgelinta Soomaaliya, balse muwaadiniinta Soomaaliyeed u diiday E-Visa

Soomaaliya ayaa weli ah dal muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka, sababo la xiriira goobta ay ku taallo iyo fursadaha kheyraad ee ay leedahay.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 08:50AM