Villa Somalia oo taageero u goobeysa Farmaajo kadib sawirkii la gubay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada gaar ahaan Twitter-ka iyo Facebook waxaa hareeyay olole lagu taageerayo madaxweyne Farmaajo, oo ay "isku-dabariday Madaxtooyadda Villa Soomaaliya".

Tani ayaa ka dambeysay markii banaanbaxyaal ka careysan dil uu askari boolis ah u geystay laba qof oo shacab ahaa gudaha Muqdisho ay waddooyinka caasimadda ku gubeen sawirka Farmaajo.

Mudaahadarayaasha ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah Farmaajo oo ay kamid tahay "Ha dhaco" iyo qaar kale oo dowladda looga soo horjeedo.

Waaxda warfaafinta Villa Soomaaliya ayaa abaabushay akoono qaarkood been abuur ay yihiin kuwaasoo faafinaya fariimo lagu dhaleeceynayo shacabka dibadbaxay, laguna taageerayo Farmaajo.

Badi akoonada lasoo dhigay qoraaladda waa isku mid, waxaana la aaminsan yahay in ay soo qoreen saraakiisha warfaafinta Madaxtooyada. Mana ahan markii ugu horeysay oo olole noocaan ah ay qaadaan.

Tani ayaa qeyb ka ah Istaraatiijiyadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay kala falceliso dhaliilaha kaga imaanaya siyaasiyiinta, wariyeyaasha madaxa-banaan iyo dadweynaha.

Iyaddoo waqtiyada qaar ay sameeyaan xaqiiqooyin aanan jirin, akoonada laga maamulo Aqalka looga arimiyo Soomaaliya ayaa xiliyadda qaar lagu aflagaadeeyaa shaqsiyaada ka aragtida xukuumada.

Talaabadan ayaa lagu tilmaamay "xeelad jahwareerin ah oo lagu xoojinayo cabsi-gelinta dadka, iyaddoo meesha laga saarayo sharciyadda dhaleeceynta dowladda laguna sumeynayo in qofku cabiro fekerkiisa".

Illo wareedyo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyey in ololaha noocaan ah ay xafiisyadda madaxda sarre ee dowladda ku bixiyaan dhaqaalo xoogan.

Dowladda Farmaajo oo loo garan og-yahay Nabad iyo Nolol ayaa waxay noqotay xukuumadii ugu xumeyd ee soo martay saxaafada madaxa-banaan ee Soomaaliya, iyaddoo saxafiyiinta isugu dartay laaluush iyo handadaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM