Waa imisa Tirada Ciidanka Nabad ilaalinta Somalia u direyso South Sudan?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay tirada Askarta ay u dirayso dalka South Sudan, kuwaasoo qeyb ka noqonaya ciidamo ka socda dalalka gobolka Geeska Africa oo nabad ilaaliyaal ah.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa diyaarisay 99 Askari oo loo dirayo South Sudan, si lamid ah dalka Jabuuti oo tiro intaasi la eg u diraya dalkan ugu da'da yar caalamka ee colaadda sokeeye ka socoto tan iyo 2013-kii.

Dalalka Kenya, Sudan iyo Uganda ayaa midkiiba diraya 499 Askari, waxayna ciidamadan waajibaadkooda shaqo noqon doonaa inay ilaaliyaan shacabka iyo hogaamiye-yaasha mucaaradka South Sudan, kadib markii dhawaan heshiis nabadeed laga gaarey colaadda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa balan-qaadey in Soomaaliya ciidan u dirayso South Sudan, kadib markii uu qeyb ka noqday madaxdii IGAD ee goobjooga u ahaa saxiixa heshiiska Nabadda South Sudan bishii September ee sanadkan ka dhacay Addis Ababa.

Soomaaliya ayaa waxay ku tiirsan tahay hadda ciidamada AMISOM, oo difaaca xarumaha dowladda iyo goobaha kale, iyadoo ciidamada qaranka aysan wali u diyaarsaneyn, awoodna u lahayn inay la wareegaan mas'uuliyadda amniga dalka.

Waxaa hakad ku yimid markii Farmaajo la doortay howshii isku-dhafka ciidamada kala duwan ee maamul goboleedyada, iyadoo khilaafka siyaasadeed ee xilligan ka jira wadanka uu dhabar jab ku noqday qorshaha amniga Xukuumadda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM