Waa kuma ergayga Midowga Afrika u soo diray Soomaaliya?

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Guddoomiyaha Midowga Afrika, Muuse Faki, ayaa John Dramani Mahama, madaxweynihii hore ee Chana, wuxuu u soo magacaabay ergayga gaarka ah ee AU kaasoo ka shaqeyn doona dhexdhexaadinta khilaafka doorashooyinka.

Wakiilka oo dhowaan caasimadda Muqdisho imaan doona ayaa, sida ku cad qoraalka kasoo baxay Faki, wuxuu saamileyda siyaasadeed ee Soomaaliya uu kala shaqeyn doonaa sidii coddeynta heer federaal loogu qaban lahaa "waqtiga ugu dhow ee suurtagalka ah".

Taliska muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey ee Farmaajo ayaa horey uga dalbadey Midowga Afrika in ay soo farageliyaan khilaafka doorashooyinka una kala dabqaadaan dhinacyada isku haya cod-bixinta oo qorshuhu ahaa in ay dhacdo sanadka 2020-21.

Farmaajo oo xafiiska jooga muddo saddex bilood ah isagoo muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey 8-dii Febraayo, 2021 ayaa dalabkan u gudbiyey si wakiilada Beesha Caalamka aysan si toos ah ula wareegin doorka hogaaminta doorashadda.

Ergayga cusub ayaa ka garab shaqeyn doona wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay, James Swan iyo xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya oo haatan la wareegtay hogaaminta doorashooyinka heer federaal iyo ammaankooda.

Waa kuma John Dramani Mahama?

John Dramani Mahama waa siyaasi reer Ghana ah oo soo qabtay xilka Madaxweynaha Ghana intii u dhaxeysay 24 July 2012 ilaa 7 January 2017.

Wuxuu horey u soo noqday Madaxweyne ku xigeenka Ghana intii u dhaxeysay Janaayo 2009 ilaa July 2012, wuxuuna xafiiska la wareegay 24 July 2012 ka dib dhimashadii madaxweynihii isaga ka horeeyay, John Atta Mills.

Mahama wuxuu ka dhashay qoys firfircoon siyaasad ahaan. Aabihiis, Emmanuel Adama Mahama, wuxuu soo noqdey xubin baarlamaaneed iyo sidoo kale guddoomiye gobol oo ka tirsan dowladdii madaxweynihii ugu horreeyay ee Ghana, Kwame Nkrumah.

John Mahama wuxuu dhigtey dugsiga hoose ee Achimota School ee magaalada Accra wuxuuna dhigtey dugsiga sare ee Ghana ee Tamale.

Wuxuu ka qaatay shahaadada bachelor-ka ee taariikhda 1981 jaamacada Ghana, Legon, halkaas oo uu sidoo kale ku dhamaystay daraasad heer sare ah oo ku saabsan isgaarsiinta 1986.

Mahama wuxuu bartay taariikhda dugsiga sare dhawr sano ka hor inta uusan sii wadan shahaadada jaamacadeed ee cilmu-nafsiga bulshada ee Machadka Sayniska Bulshada ee Moscow oo uu ka qalin-jabiyey 1988.

Sannadkii 1996-kii waxaa loo doortay kamid noqoshadda Baarlamanka isagoo ka tirsanaa xisbiga National Democratic Congress (NDC); waxaa dib loo doortay 2000 iyo 2004. Intii uu ku jiray baarlamaanka wuxuu qabtay dhowr xilal, oo uu ka mid yahay Wasiirka Isgaarsiinta (1998-2001), ka hor inta aan loo dooran musharaxa madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga NDC sanadkii 2008.

Mahama wuu ku firfircoonaa siyaasada. Sannadkii 2019 waxaa loo doortay inuu noqdo murashaxa madaxweynenimo ee NDC doorashada 2020. Mahama, oo ka mid ah 11 murashax oo la tartamaya madaxweynaha hadda xilka haya Akufo-Addo doorashadii dhacday 7dii Diisambar, ayaa galay kaalinta labaad isagoo helay boqolkiiba 47 codadka; Akufo-Addo ayaa lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay iyadoo waxyar ka badan boqolkiiba 51 codadkii la dhiibtay.

Mahama, si kastaba ha ahaatee, wuxuu ka horyimid natiijooyinka maxkamadda sare, isagoo ku andacoonaya in khaladaad dhacay ay saameyn ku yeesheen natiijada doorashada wuxuuna codsaday in dib loogu noqdo.

Bishii Marso 2021-kii ayay maxkamaddu diiday codsigiisa, iyada oo ku sababaynaysa caddayn la’aan haysata sheegashooyinkiisa, waxayna taageertay natiijooyinka doorashada taasoo soo afjartay si guud rajadiisa ahayd in uu mar kale hogaamiyo dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM