Waa kuma qofka ka dambeeya afduubka Shaqaalaha ICRC?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa shaacisay maanta oo Khamiis ah magaca qofkii ka dambeeyay afduubka Haweenay u dhalatay dalka Jarmalka, oo kamid ah Shaqaalaha Hay'adda ICRC.

Isagoo Wariye-yaasha kula hadlayay Muqdisho, Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdicasiis Xildhibaan ayaa fahfaahin ka bixiyay qaabkii uu u dhacay afduubka isagoo daboolka ka qaadey in nin lagu magacaabo Maxamuud Maxamed Calas.

Wuxuu intaasi ku daray Cabdicasiis Xildhibaan in Maxamuud Calas uu kamid ahaa ilaaladda shaqaalaha Hay'adda ICRC ee ka howlgala magaalada Muqdisho, kaasi oo hadda ay Ciidamada ku raadjoogaan.

Haweenayda la afduubay ayaa waxaa lagu magacaabaa Sonja Nientiet, waxaana jirta cabsi xooggan oo ah inay suurtagal noqon karto in afduubaha uu Gabadhan ka iibiyo Al-Shabaab.

Hay'adda Laanqeerta Cas [ICRC] ayaa war Saxaafadeed ay soo saartey ku sheegtay in Haweenayda la afduubay ay u dhalatay wadanka Jarmalka, waxaana ahayd Kalkaaliye caafimaad [Nurse]. Halkan ka akhri.

Waxay ICRC ku baaqday in si dhaqsi ah oo shuruud la'aan ah lagu soo daayo Haweenayda samafalka ka shaqeynaysay, oo la rumaysan yahay in lagu hayo gudaha magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka Heiko Maas oo warbaahinta wax ka waydiisay dhacdada, ayaa ka gaabsadan inuu bixiyo macluumaadka afduubka Kalkaalisadda kasoo jeeda dalkiisa.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka ugu khatarta badan ee ay ka shaqeeyaan Hay'adaha gargaarka, waxaana saddexdii sano ee lasoo dhaafay lagu dilay in ka badan 20 Sama-faliyaal ah.

Saddex billood kahor nin la shaqeynayay UNICEF oo u dhashay Uganda ayaa lagu dhex dilay xarunta Hay'adda ee Muqdisho, waxaana dilkiisa ka dambeeyay nin horey shaqada looga eryay.

Maalin kahor, Gabar lagu magacaabi jiray Maryan Cabdullaahi oo WHO katirsanayd ayaa lagu dilay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, iyadoo wali aan jirin cid sheegatay mas'uuliyadda dilkeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM