Waa kuma qofka ka dambeeya afduubka Shaqaalaha ICRC?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa shaacisay maanta oo Khamiis ah magaca qofkii ka dambeeyay afduubka Haweenay u dhalatay dalka Jarmalka, oo kamid ah Shaqaalaha Hay'adda ICRC.

Isagoo Wariye-yaasha kula hadlayay Muqdisho, Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdicasiis Xildhibaan ayaa fahfaahin ka bixiyay qaabkii uu u dhacay afduubka isagoo daboolka ka qaadey in nin lagu magacaabo Maxamuud Maxamed Calas.

Wuxuu intaasi ku daray Cabdicasiis Xildhibaan in Maxamuud Calas uu kamid ahaa ilaaladda shaqaalaha Hay'adda ICRC ee ka howlgala magaalada Muqdisho, kaasi oo hadda ay Ciidamada ku raadjoogaan.

Haweenayda la afduubay ayaa waxaa lagu magacaabaa Sonja Nientiet, waxaana jirta cabsi xooggan oo ah inay suurtagal noqon karto in afduubaha uu Gabadhan ka iibiyo Al-Shabaab.

Hay'adda Laanqeerta Cas [ICRC] ayaa war Saxaafadeed ay soo saartey ku sheegtay in Haweenayda la afduubay ay u dhalatay wadanka Jarmalka, waxaana ahayd Kalkaaliye caafimaad [Nurse]. Halkan ka akhri.

Waxay ICRC ku baaqday in si dhaqsi ah oo shuruud la'aan ah lagu soo daayo Haweenayda samafalka ka shaqeynaysay, oo la rumaysan yahay in lagu hayo gudaha magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka Heiko Maas oo warbaahinta wax ka waydiisay dhacdada, ayaa ka gaabsadan inuu bixiyo macluumaadka afduubka Kalkaalisadda kasoo jeeda dalkiisa.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka ugu khatarta badan ee ay ka shaqeeyaan Hay'adaha gargaarka, waxaana saddexdii sano ee lasoo dhaafay lagu dilay in ka badan 20 Sama-faliyaal ah.

Saddex billood kahor nin la shaqeynayay UNICEF oo u dhashay Uganda ayaa lagu dhex dilay xarunta Hay'adda ee Muqdisho, waxaana dilkiisa ka dambeeyay nin horey shaqada looga eryay.

Maalin kahor, Gabar lagu magacaabi jiray Maryan Cabdullaahi oo WHO katirsanayd ayaa lagu dilay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, iyadoo wali aan jirin cid sheegatay mas'uuliyadda dilkeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM

Shirka Xalane oo soo dhammaaday iyo Mucaaradka oo isugu tegaya Hotel Airport

Madaxdii mucaaradka ee shirka ku matalaysay dhinaca kale ayaa hadda u soo jiheystay Hotel Airport.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 11:11AM