Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?
MUQDISHO, Soomaaliya — Cabdifataax Xasan Afrax, oo horey u soo noqday guddoomiyaha gobolka Hiiraan, ayaa ku biiray Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), tallaabadaas oo kusoo beegmaysa xilli ay socdaan diyaar-garowga doorashada Hirshabeelle.
Afrax ayaa sidoo kale horey u ahaa Xoghayaha Guud ee urur siyaasadeedka SINCAD, balse wuxuu xilkaas iska casilay wax yar ka hor inta uusan ku biirin JSP. Is-casilaaddiisa wuxuu ku sheegay arrimo la xiriira xaaladdiisa iyo duruufihiisa gaarka ah, isaga oo aan faahfaahin dheeraad ah ka bixin.
Ku biiristiisa JSP ayaa dhalisay hadal-heyn cusub oo ku saabsan loollanka xilka Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle. Xog ay heshay warbaahintu waxay sheegaysaa in dowladda federaalka ay Afrax ka dhex dooratay siyaasiyiin kale oo reer Hiiraan ah oo danaynayay xilkaas.
Sida xogaha la helayo, Afrax waxaa la qorsheynayaa inuu noqdo ku-xigeenka Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen, kaas oo horay u helay kaarka musharraxnimada Madaxweynaha Hirshabeelle. Hase yeeshee, JSP weli si rasmi ah uma shaacin in Afrax loo diiwaangeliyay musharraxa xilka Madaxweyne ku-xigeenka.
Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka, sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah.
Arrintan ayaa timid xilli gobolka Hiiraan ay ka jiraan walaac iyo khilaaf siyaasadeed oo ku saabsan habka loo wado doorashada Hirshabeelle, iyadoo ay sidoo kale jireen mudaharaadyo looga soo horjeedo geeddi-socodka doorashada.
Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa Afrax u diray hambalyo, isagoo qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ugu hambalyeeyay xilka Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle, inkastoo xilkaasi uusan weli si rasmi ah u xaqiijin xisbiga ama hay’adaha doorashada.
Haddii qorshahan siyaasadeed uu hirgalo, Afrax wuxuu door muhiim ah ku yeelan karaa hoggaanka Hirshabeelle, gaar ahaan iyadoo tartanka siyaasadeed ee maamulka uu xilligan si weyn ugu xooggan yahay gobolka Hiiraan.
GAROWE ONLINE