Waa sidee xaalada Afgooye kadib ismiidaamintii khasaaraha badneyd?

Image

AFGOOYE, Koonfur Galbeed - Qarax ismiidaamin ah oo shalay ka dhacay duleedka magaalada Afgooye ayaa lala eegtay kolonyo ay la socdeen shaqaale Turki ah oo ka shaqeynayay dayactirka wadada Afgooye.

Saddex qof oo Soomaali ah oo ay askar ku jiraan ayaa ku dhintay weerarkaasi, halka 20 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dowladda Turkiga ayaa shegtay in 6 qof oo Turki ah ay weerakaasi ku dhaawacmeen, iyadoo laba ka mid ah uu dhaawacoodu halis yahay.

Al-Shabaab, oo gacansaar la leh shabakadda Al-Qaacida, ayaa sheegatay mas'uuliyadda falkaas.

Mehmet Yılmaz, danjiraha Turkiga ee Muqdisho, ayaa sheegay in weerarkan uusan saameyn doonan taageerada ay siiyaan dadka Soomaaliyeed iyo dedaaladooda baacsiga argagixisada.

Wasaaradda gaashaandhiga Turkiga, oo cambaareysay dhacdadaas ayaa ku adkeystay "looma dhutin doono, waan sii wadaynaa garab istaaga dadka iyo dowladda Soomaaliya".

Xaalada meesha ay wax ka dhaceen ayaa ah mid degan, waxaana loo diray ciidamo dheeraad ah oo qorshuhu yahay in ay adkeeyaan nabad-gelyadda shaqaalaha iyo goobaha ku dhow.

Turkiga oo ka howlgalaya Soomaaliya tan iyo 2011-kii kadib macluushii dilaacday ayaa dhowaan shaaca ka qaaday in mudadaas uu waddanka ku maalgeliyey aduun dhan hal bilyan oo Doolar-ka Mareykanka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM