Waa tuma taliyihii Booliska AMISOM ee ku dhimatay shilka Itoobiya?

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in taliyihii Booliska howlgalkaasi ay kamid ahayd dadkii ku geeriyooday shilkii diyaaradeed ee ka dhacay Itoobiya shalay oo Axad ahayd.

Christine Alalo, oo u dhalatay wadanka Uganda, ayaa ahayd sii haayaha taliyaha bileyska howlgalka midowga Afrika, kadib markii la bedalay hogaankii hore.

Musiibada ka dhacay duleedka caasimada Itoobiya ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen 157 ruux, oo lix kamid ah ay Soomali ahaayeen.

Baaritaan ayaa ku socda waxa dhaliyay burburka diyaaradda, iyada oo la sheegay in la helay sanduuqa madow, oo qeyb kamid ah dhaawacyo ay soo gaareen.

Francisco Madeira, madaxa howlgalka AMISOM, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada iyo dowlada Uganda oo ay ka baxday Christine Alalo.

- Waa tuma Alalo? -

Waxay ahayd Gaashaanle Sare, taasoo ay aad u amaaneen saaxiibadeeda ay shaqo wadaaga ahaayeen labaduba – kuwa AMISOM iyo qarankeeda.

"Waxaan ku xasuusan doonaa go’aanadeeda dhaxagalka ahaa iyo ka go’naanshiyaheeda shaqadda," ayuu yiri Madeira.

Markii ugu horeysay oo ay howlgalka kusoo biirto waxay ahayd 2015-kii, tan iyo xilligaasi oo ay ahayd sii haayaha taliyaha Booliska howlgalka midowga Afrika.

Marxuumada ayaa ifka kaga tegtay labo caruur ah; Emmanuel iyo Alvin, kuwaasoo haatan la nool Aabahooda.

"Waxaan marxaladaan murugada badan garab taagan nahay qoyskeeda iyo caruurteeda," ayuu hadalkiisu ku daray Francisco Madeira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamo la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre iyadoo xiisaddu ka sii dareyso Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin ciidamada la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:51PM

Sheekh Shariif oo u guuray waqooyiga Muqdisho si uga baaqsado xabsi guri suurtagal ah ka hor bannaanbaxa

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu kamid yahay siyaasiyiinta mucaaradka ee diyaar u ah inay ka qeyb galaan bannaanbaxa.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:23PM