Qoysaska wiilasha uu askareeyay Farmaajo oo banaanbaxay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waalidiinta wiilashooda uu taliska Farmaajo "sida qarsoodiga ah tababarka ugu qaadey Eritrea" ayaa Axada maanta ah isu-soo-baxay fagaaraha Daljirka Daahsoon ee Muqdisho.

Mudaaharadayaasha oo ay ku jiraan hooyooyinka waalidiintaas ayaa waxay dalbanayaan in madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaado uu hor-yimaado ugana jawaabo su'aaha ay tirsanayaan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo hooyooyinkan ay ku banaanbaxaan caasimada Muqdisho, iyaddoo dowladda federaala ah aysan wali si rasmi ah oo daahfuran u qaabilin waalidiinta wilashooda ka maqan yihiin.

Inkasta oo ay xaqiijisay in ay askar tababar ugu dirtay Eritrea, xukuumadda Soomaaliya ayaanan marnaba ka jawaabin sheegashooyinka waalidiinta ee ah in caruurtooda laga dagaal geliyey waqoyga Itoobiya.

Wararkaas ayaa soo shaac-baxay markii ciidamada Itoobiya ay ku duuleen gobolka Tigray. Howlgalaas waxaa ku wehliyey askar u dhalatay Eritrea kuwaasoo lagu eedeeyay "xadgudubyo bini'aadanimo".

Cabdisalaam Guuleed, taliye ku xigeenkii hore ee hay'adda sirdoonka Soomaaliya, ayaa qiyaasay in laba kun askar Soomaali ah laga dagaal geliyey Tigray isla markaana ku dhowaad kun ay ku naf-waayeen.

Wallow Addis Ababa ay beenisay warbixinadaas, waalidiinta qaarkood ayaa tibaaxay in wiilashooda ay lasoo xiriireen una sheegeen in ay joogaan waqoyga Itoobiya isla markaana qaar saaxiibood ahaa dhinteen.

Taliska Farmaajo oo ku fashilmay in uu Soomaaliya ka qabto doorahso xilligeeda ugu dhacda qaab daahfuran heshiisna lagu yahay ayaa gacansaar dhow la leh hogaamiyeyaasha ka taliya Itoobiya iyo Eritrea.

GAROWE ONLINE

Related Articles

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM