Waanwaan laga dhex-bilaabay madaxda Soomaalida

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dedaalo ka socda dhinacyo kala duwan lana doonayo in mar kale miiska wadaxaajoodka la isku keeno hogaamiyeyaasha Soomaalida ayaa meel sarre maraya, sidda ay sheegaan wararka.

Wakiilada Beesha Caalamka, musharaxiin iyo siyaasiyiin ayaa lagu waramay in ay door fiican la cayaarayaan dedaaladda isugu soo jiidayo madaxda Soomaalida ee ku kala tagay shirkii ka dhacay xeradda Afasiyooni.

Xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa todobaadkii hore waxay iclaamisay in uu burburay kulankaas. Hasa ahaatee, waxaa gaashaanka ku dhuftay Puntland iyo Jubaland oo ka dhawaajiyey in shirka uu furan yahay.

Illo wareedyo ku dhow dedaaladda socda ayaa rajo fiican ka muujiyey in shirka uu qabsoomi doono. Balse, waxay ka gaabsadeen goorta uu bilaaban doono iyaddoo u sababeeyay in dhanka dowladda cagajiid ka jiro.

"Madaxda dowladda federaalka ee muddo xileedkooda uu dhamaadey waxay ka cagajiidayaan in shirka la isku soo laabto wallow baaqyo kala duwan ka imaanayaan. Balse, waxay ugu dambeyntii ku qasbanaan karaan in ay miiska kusoo laabtaan si xal loo gaaro," ayay sheegeen.

Wadahadaladan oo horudhac ah ayaa diiradda lagu saarayaa ajandaha shirka soo aadan iyo qaabka uu ku bilaabayo shirweynahaas.

Puntland iyo Jubaland ayaa doonaya in kulanka furitaankiisa uu noqdo mid ballaaran oo ay kasoo wada qeybgalaan dhamaan saamileyda Soomaalida iyo Beesha Caalamka, maalinta xigtana xalka loo gudbo.

Balse, maamulka Farmaajo wuxuu kasoo horjeedaa in shirku door ku yeeshaan diblumaasiyiinta iyo daneeyeyaasha Soomaalida – kuwaasoo oo damaanad-qaadayaal ka noqonaya dhaqan-gelinta heshiis kasta.

Haddii mar kale ay guuldareystaan dedaaladan, waxaa laga cabsi qabaa in Beesha Caalamka ay si toos ah u soo farageliso xalka khilaafka, inkasta oo maamulka Farmaajo uu durba bilaabay ololaha arrintaas ku diidayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo go'aan adag ka qaatay taageerada amniga Soomaaliya

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay wadaan dadaallo lagu raadinayo xal waara oo lagu sii wadi karo hawlgalka.

  • Soomaliya

    18-07-2026

  • 09:33AM

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM