Waare oo digniin u direy madaxda maamulada Soomaaliya

Image
JOWHAR- Madaxwaynaha HirShabelle, ahna Gudoomiye ku xigeenka Gollaha Iskaashiga maamuladda, Maxamed Cabdi Waare ayaa si cad u sheegay in maamul goboleedkiisa uusan ka qayb-geli doonin shirarka ay yeelanayaan Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyadda.
 
Hogaamiyaha maamulka ugu da'da yar dowladaha xubinta ka ah Federaalka Soomaaliya ayaa uga digay dowlad goboleedyadda inay shirkooda kusoo qaadaan arrimo ku saabsan maamulkiisa.
 
Waxa uu ku nuux-nuux saday in danaha maamulkiisa uu arkay inuu ka baxo qodobadii kasoo baxay shirka Kismaayo, kaasi ay kamid ahayd inay hakiyeen maamuladu wadashaqayntii Villa Soomaaliya.
 
"Gollaha Iskaashiga Maamuladda wuxuu ku dhisan yahay waa shuruuc, kaasi dhigaya in hadii mid kamid ah dowladaha xubinta ka ah uu qodob kasoo horjeesto uusan noqoneyn  go'aanka Gollaha Iskaashiga, sidaas darteeda ma ahan inay arrimo na khuseeya soo qaadaan," ayuu yiri Waare.
 
Madaxwaynaha HirShabelle oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inuu isku dayey markii uu heshiiska la galayey Villa Soomaaliya in maamulada kale uu ku qanciyo inay la hadlaan dowladda, balse ay ka diideen xili war kasoo baxay Gollaha xusay in ay diyaar u yihiin wadaxaajood.
 
Hadalka Waare ayaa kusoo aadaya xili lagu wado in magaalada Garowe ee xarunta Puntland uu ku qabsoomo shirkii afaraad ee Gollaha, kaasi oo diiradda lagu saari doono xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka.
 
Khilaafka siyaasadeed ee dhex-yaala dowladda Federaalka iyo maamuladda ayaa gaarey heerkii ugu sareeyay, kaasi keeni kara in saaxiibadda Soomaaliya faraha lasoo galaan, xili arrintaasi digniino ay ka bixiyeen xeel-dheerayaasha.
 
Madaxda maamulada Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo ku sugnaa maalmahii la soo dhaafey magalada Nairobi ayaa ka codsadey beesha caalamka iney goob joog ka ahaato wadahadalka ay la galayaan dowlada Federalka, soo jeedintaas oo ay diidey Villa Somalia.
 
Waare ayaa hadalkiisa ku soo hadal-qaadey sido kale shirar ay maalmihii ugu dambeeyay ku yeesheen madaxda maamulada isagoo xusay in maamulkiisa uusan wax matalaad ah ku lahayn kulamadaasi.
 
Maamulka HirShabeele oo garabka ku haya magalada Muqdisho kaas ayaa dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan ku tirsan Villa Somalia. Villa Somalia ayaa waxay dhowaan  cadaadis ku saartey Madaxweyne Waare inuu ka baxo heshiiska Kismayo.
 
Madaxweynaha mamaulkan oo ka badbaadey mooshin ka dhan ah kaas oo markii hore dowlada Federalka dabada ka riixeysay ayaa la baajiyey kadib markii Xildhibaanadii saxiixey ka noqdeen.
 
GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM