Waare oo Go'aan Culus ka qaatay Madaxda Maamul Goboleedyada [Akhriso]

Image

JOWHAR, Soomalaiya - Madaxweynaha maamulka HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa kahor yimid go'aannada madaxda kale ee dowlad goboleedyada dalka, xilli uu dhawaan heshiis la galay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweyne Waare ayaa lagu sheegay in go'aan qaadashada Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada, uu yahay mid ku dhisan wada-ogol, islamarkaana aan wax go'aan ah la gaari karin ama shir la qaban karin iyadoo HirShabelle ka maqan tahay.

Madaxweynaha HirShabeelle ayaa caddeeyay in maamulkiisa uusan aqoosaneyn afhayeenka gollaha iskaashiga magacaabeen, iyo shirarka madaxda Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland kula yeesheen Nairobi diblomaasiyiinta beesha caalamka.

War Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Waare ayaa sidoo kale lagu xusay in Gollaha Iskaashiga maamul goboleedyada aan markii hore loo aas-aasay inuu noqdo Isbahaysi mucaarad ah iyo inuu fuliyo danaha hal ama dhowr maamul goboleed.

Hadalka Waare ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan Villa Soomaliya la galay heshiis khilaafka maamulkiisa iyo dowladda Federaalka lagu soo afjaray, kadib markii loo sameeyay balan-qaadyo ku khasbay inuu ka goosto Gollaha Iskaashiga maamul goboleedyada.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM