Waare oo isku shaandheyn ku sameeyay wasiirada HirShabelle

Image

JOWHAR, HirShabelle - Madaxweynaha HirShabelle oo isku shaandheyn ku sameeyay Golahiisa Wasiiradda ayaa wuxuu magacaabay afar kamid ah xukuumadda maamulka Jowhar.

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa xili uu maanta dib ugu laabtay Jowhar, oo ah magaala madaxda dowlad goboleedkaas. Bilihii ugu dambeeyay Muqdisho ayuu ku sugnaa.

Wasiiradda uu magacaabay ayaa kala ah; Amniga, Warfaafinta, Hub ka dhigista iyo Dhaqancelinta si lamid ah Wasiiru dowlaha Qorsheynta, sidda ku cad wareegto uu soo saarey.

HirShabelle ayaa kamid ah maamuladda xiriirka dhow la leh dowladda madaxweyne Farmaajo, siyaasad ahaan.

Mudada uu xafiiska joogey maamulka Waare ayaa waxaa lagu dhaliilaa in uusan HirShabelle kusoo kordhin wax qabad muuqda, amniga waa meelaha uu walaac ka jiro.

Wasiiradda ayaa ah kuwa kaliya oo la magacaabo, ma laha qaarkood xafiisyo ay ku shaqeeyaan. Sababaha uu Waare wax badan ugu negaan Jowhar waxaa qayb ka ah amni darro.

Degaano kamid ah maamul goboleedkaan ayaa waxaa gacanta ku haya ururka Al-Shabaab, oo dilal qorsheysan ka fulisa isla gudaha caasimadda.

Hoos ka akhriso digreetadda

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM