Wasaarada arrimaha dibadda oo ku milantay khilaafka doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya ayaa joogteysay eedeymo ay u jeedineyso maamulada Puntland iyo Jubaland iyadda oo fulineysa qorshaha dib—u—doorashadda madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

War qoraal ah oo xalay kasoo baxay Wasaaraddan uu wasiirka ka yahay Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa lagu sheegay in Puntland iyo Jubaland ay caqabad ku yihiin fulinta heshiiskii 17-kii September isla markaana aysan kasoo jawaabin shirkii uu Farmaajo iclaamiyey markii muddo xileedkiisa uu dhamaadey.

Puntland iyo Jubaland oo ay wehliyaan Aqalka Sare iyo Musharaxiinta madaxtinimadda ayaa mowqifkooda wuxuu yahay in ay wadahadal lagu dhameeyo qodobadda wali lagu muransan-yahay ee doorashooyinka.

Dhanka kale, bayaanka wasaaradda ayaa ku eedeeyay musharaxiinta mucaaradka in ay dhabo sharci darro ah iyo mudaaharaad hubeysan ka dhigeen banaanbax nabadeed, arrintaas oo ay ku tilmaamtay "mid aan marnaba la aqbali karin".

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa dalal shisheeye oo aysan carabaabin waxay uga digtay "in ay war-saxaafadeeydo marin-habaabin ah" soo saaraan "kuwaasoo u muuqda in ay ku taageerayaan kacdoonka hubeysan".

Midowga Musharaxiinta ayaa kal hore u sheegay in madaxweynaha xilku dhamaadey uu "siyaasadeeyay waaxda arrimaha dibadda" isla markaana "uu ku qaabeeyay qorshihiisa dib-u-doorashadda una isticmaalayo ololihiisa doorashadda kuna sawir-xumeynayo dhinacyadda kaga aragtida duwan hogaaminta waddanka".

Wasiir Maxamed oo kalkii hore kala shaqeynayey jiray hay'addo caalami ah dhameystirka dastuurka iyo qabsoomida doorashooyinka ayaa tan iyo markii xilkan loo magacaabay wuxuu wareysiyo iyo fagaareyaal caalami ah oo uu kasoo muuqdey dib-u-dhac doorashooyinka ku eedeeyay Puntland iyo Jubaland oo uu kasoo jeedo.

Hoos ka akhriso qoraalka wasaaradda

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo ku dhawaaqay fashilka shirkii Madaxweyne Xasan Sheekh

Intaa waxaa dheer, Madashu waxay xooga saartay muhiimadda ay leedahay in dib loo bilaabo wada-hadallada qaran.

  • Soomaliya

    14-08-2025

  • 02:41PM

Dagaal Khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho [Fahfaahin]

Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa sidoo kale la sheegay in ay dhaawacyo culus kasoo gaareen iska horimaadyada.

  • Soomaliya

    14-08-2025

  • 11:32AM