Wadahadal Farmaajo iyo Xoghayaha Guud ee UN-ka ka yeesheen eryida Haysom oo fashilmay

Image

NEW YORK, USA - Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Antonio Guterres ayaa Ergay cusub usoo magacaabaya Somalia, kadib markii lagu guul-dareystay in lagu qanciyo dowladda Federaalka inay ka laabato go'aankii ay ku ceyrisay Nickolas Haysom.

Afhayeenka UN-ka, Farhan Haq ayaa warbaahinta ugu sheegay New York in Guterres uu labo jeer taleefonka kula hadlay Madaxweyne Farmaajo, isagoo kala hadlay sidii Haysom uu usoo joogi lahaa Muqdisho, balse uu fashilmay isku-daygaasi.

Dowladda Federaalka ayaa ku adkaysatay go'aankeedii ay soo saartey Talaadii lasoo dhaafay, 1-da January oo ah in dalka aan looga baahnayn Wakiilka QM Nicholas Haysom, islamarkaana uusan kasii shaqeyn karin.

"Xoghayaha Guud wuxuu si qoto dheer uga qoomameeyay go'aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya," ayuu yiri Haq, isagoo intaasi ku daray in Xoghayaha Guud uu kalsooni buuxda ku qabaa Mr. Haysom.

Haq ayaa xusay in arinta "persona non grata" oo micnaheedu yahay qof aan laga rabin dalka aanu qabanin ama loo adeegsan karin Shaqaalaha katirsan UN-ka, sida ku cad heshiiska diblomaasiyadda Viena ee la saxiixay 1961-dii.

Kelmadda "Persona non grata" ayaa ah mid loo adeegsado dalalka dhexdheedo, gaar ahaan Safiiradda iyo diblomaasiyiinta marka laga eryayo dalka uu markaasi ka howlgalayo.

Xoghayaha Guud ayaa hoosta ka xariiqay in baahida shacabka Soomaaliyeed ay tahay ahmiyadda kowaad ee shaqada Qaramada Midoobey ee dalka Soomaaliya, sidaasi darteedna lagama maar-maar tahay inuu wakiil cusub usoo magacaabo dhawaan.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Haysom ka ceyrisay Muqdisho, kadib markii uu walaac ka muujiyay rabashadii ka dhacay Baydhabo bishii December, iyo dilka 15 qof oo shacab ahaa, iyo sidoo kale xariga Mukhtaar Roobow.

Ergayga ayaa warqad uu u diray Wasiirka amniga Somalia, Maxamed Abuukar Islow kaga dalbaday inuu jawaabo ka bixiyo wixii ka dhacay Baydhabo, gaar ahaan dilka ciidamada booliska ay shacabka u geysteen iyo sharciyada lo cuskaday xariga Roobow.

Haysom ayaa sheegay in deeq-bixiyeyaasha ay u sheegay isaga inay joojiyeen taageeradii dhaqaale ee ciidamada boolsiak maamilka Koonfur Galbeed, kadib markii ay ku lug yeesheen toogashada shacabka iyo xariga 300 oo qof oo caruur badan, kuwaasoo xabsiyda lagu hayay mudo ka badan 48 saacadood.

Dowladda Somalia ayaa aad uga carootay in QM su'aallo ka waydiisay shacabka ciidamadeeda ku dileen Baydhabo intii ay rabashadaha socdeen, waxaana Wasaaradda Arrimaha dibadda lagu amray inay soo saarto warqad Haysom dalka looga saarayo.

Nickolas Haysom, oo kasoo jeeda South Africa, islmarkaana dalka Somaliya loo soo magacaabey September 2018 ayaa lagu wargeliyay inuu Muqdisho isaga baxo saacado kadib markii weerar hoobiye lagu qaadey xarunt UN-ka oo gudaha Xalane ku taalla, kaasoo lagu dhaacaway 3 shaqaale.

QM ayaa ah hay'adda ugu weyn ee taageerta dowladda Soomaaliya, waxaana go'aanka Villa Somalia ku ceyrisay wakiilkeeda sii xoojinaysaa khilaafka Muqdisho iyo maamul goboleedyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamsa Cabdi Barre: Mucaaradka Waxay Fulinayaan Danaha Dowlado Shisheeye

Barre ayaa sheegay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ay noqdeen afhayeenno u adeegaya hadallo kasoo baxay dowlado shisheeye.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 08:28PM

Dowladda Masar oo ka hadashay Qaraxii lala eegtay Dhalinyarada qoranaysay Askarta

Bayaanka Masar ayaa si cad u sheegay taageerada dowladda Masar ee hay’adaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka iyo ciidamada amniga.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 12:56PM