Wadahadalka doorashada oo dib u billowday xilli waqtiga dhamaanayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaamiyaasha Soomaaliya ayaa markale isagu tagey Villa Soomaaliya, si ay idleeyaan heshiiskii doorashadda ay 17-kii bishan ku saxiixdeen Muqdisho, kaasoo soo afjaray khilaaf mudo dheer jiray.

Shirka oo shalay billowday ayaa waxaa shir gudoominaya Madaxweyne Farmaajo, waxaana ka qeybgalaya dhamaan madaxda dawlad goboleedyada iyo duqa magaaladda Muqdisho, oo kamid ah saxiixiyaasha heshiiska doorashadda.

Arrimaha muhiim u ah doorashadda, sida jadwalka, dhismaha gudiga isku dhafka iyo kan xalinta khilaafaadka, ayaa lagu gorfeynayaa kulanka, oo saxaafadda dibad-joog ka tahay, sida uu Warsidaha Garowe Online ogaadey.

Xukuumadda uu Ra'iisul Wasaare Rooble soo dhisayo ayaa la filayaa in marka uu kasoo dhamaado heshiiska doorashadda hogaamiyaasha DF iyo Maamullada inay la wareegto hirgilintiisa, waxaana suurta-gal ah in waqti loogu daro [Technical extension] maadaama inta u harsan mudo-xileedka ay aa u yartahay.

Sida ku xusan heshiiska la gaarey, qorsheynta doorashadda waxay billaabanaysaa wixii ka dambeeyay 1-da November 2020, xilligaaso oo ahayd inay billaabato doorashadda Xildhibaanada cusub, balse muuqata inuu jiri doono dib u dhac waqtigii loogu tala-galay inuu wadanka aado doorasho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu eedeeyay inuu ku fashilmay balan-qaadkii uu doorashadda kusoo galay 2017, ee ahaa inuu Soomaaliya gaarsiin doono doorashooyinka dimuqraadi, oo qof iyo cod ah marka uu dhamaado mudo-xileedkiisa afarta sano.

Si kastaba, Ra'iisul Wasaare Rooble oo ah shaqsi ku cusub siyaasadda, sidoo kalena aan lahayn qibrad siyaasadeed, ayaa looga fadhiyaa inuu waqti kooban ku qabto doorasho, aan wixii lagu gali lahaa, sida goobata codbixinta, amaanka iyo dhaqaalaha aan diyaarsanayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM