Wadooyinka Muqdisho oo hal SABAB maanta loo xiray [DAAWO]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamdada booliska dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah xiray wadooyinka halbowlaha ah ee ku yaalla magaaladda Muqdisho.

Gaadiidka dadweynaha ayaa loo diidey inay isticmaalaan wadooyinka muhiimka ah, laga soo billaabo Isgoyska Ex-koontorool Afgooye iyo Isgoyska Sayidka, taas oo keentay in Shacabka ay lugeeyaan.

Sababta loo xiray jidadka ayaa ah in maanta caasimadda la keenayo Meykda Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya, Cabdi Xoosh Jibriil, oo aas-qaran loogu sameynayo magaaladda, iyadoo ay ka qeybgalayaan madaxda sare ee dalka.

Wasiirro, Xildhibaanno iyo mas'uuliyiin sare ayaa ku sugan Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaana aaska Wasiirka loo xil-saarey Guddi Heer wasiirro oo uu magacaabey Ra'iisul Wasaare Khayre.

Cabdi Xoosh ayaa ku dhintay Jimchihii lasoo dhaafay Isbitaal ku yaalla magaaladda Dubai, ee dalka Imaaraadka kadib markii halkaasi loo dhigay xanuun kedis ah oo kusoo booday.

Wasiirka ayaa mudo 2 sano ah kamid ahaa Xukuumadda Khayre, waxaana ii isla xilka wasiirka dastuurka kasoo noqday dowladdii KMG ahayd ee uu hogaaminayay Sheekh Shariif.

HALKAN TOOS UGA DAAWO AASKA QARAN:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM