Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo booqanaya Kismaayo

Image

KISMAYO- Wafdi ka socda beesha caalamka ayaa maanta 17/12/2019 ku wajahan Kismayo, magaalo madaxda KMG ee Jubaland, halkaas kula kulmi doonaan Madaxweyne Axmad Madoobe.

Wafdigaan oo uu hogaaminayo Wakiilka  qaramada midoobey u qaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan ayaa waxaa kamid ah Wakiilka midowga Yurub.

Warar warsidaha Garowe Online heley ayaa sheegaya in qorshaha Wafdigaan yahay in maamulka Jubaland kala hadlaan arimaha la isku khilaafsan yahay ee doorashooyinka la filayey in dalka Soomaaliya laga qabto sanadka soo socda, arimaha deyn cafinta, dhameystirka Dastuurka iyo amniga.

Booqashadaan oo noqoneysa midii ugu horeysay tan iyo intii xilka markale loo doortey Madaxweyne Axmad Madoobe ayaa ku soo beegmeysa iyadoo heerkii ugu hooseysey mareyso xiriirka u dhexeeya Maamulka Jubaland iyo Federaalka.

Madaxweyne Axmad Madoobe ayaa maalmihii la soo dhaafey ku eedeeyey Dowlada Federaalka faraglin ku aadan arimaha gudaha ee maamulkaas gaar ahaan dhaqdhaqaaqyada ka socda gobolka Gedo kuwaas oo uu ku lug leedahay dalka Itoobiya.

Beesha caalamka ayaa ka welwelsan khilaafka baahaya ee u dhexeeya maamulada Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka oo gashey sanadkii ugu dambeeyey muddo xileedkeeda.

Barlamanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaala xeer looga doodayo nooca doorasho ee dalka Soomaaliya aadi garo sanadka soo socda taasoo kala qaybiysay Xildhibaanada Barlamanka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM