Wafdi ka socda Kenya oo soo gaarey Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi sare oo ka socda dowladda Kenya ayaa maanta oo Axad ah soo gaarey magaaladda Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya xilli ay jirto xiisad diblomaasiyadeed oo u dhaxeysa labada dal.

Mas'uuliyiin katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wafdiga Kenya oo uu horkacayo wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi Dr. Fred Matiang'i kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Wafdiga Kenya ayaa lagu wadaa inay la kulmaan madaxda sare ee dowladda, oo uu ku jiro Madaxweyne Farmaajo, waxaana la filayaa inay kulankooda uga hadlaan xiisadda ka taagan Gedo iyo xiriirka sii xumaanaya ee Kenya iyo Soomaaliya.

Wararka uu helay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha gudaha Kenya uu Farmaajo gaarsiin doono fariin uu uga wado Uhuru Kenyatta, taasoo aan wali la ogeyn waxa ay xambaarsan tahay.

Imaanshaha wafdiga ee Muqdisho ayaa kusoo beegmaya xilli maalmo kahor ay dowladda Kenya ku eedeysay dowladda Federaalka inay ku xad-gudubtay madax-banaanideeda dhuleed kadib markii ciidanka DF weerar ku qaadeen magaaladda Mandheera.

Dagaalkii dhawaan ka dhacay magaaladda Beled-Xaawo ee u dhaxeeyay ciidamada Jubaland ee halkaasi ku sugnaa iyo kuwa dowladda ay geysay gobolka ayaa saameyn ku yeeshay magaalooyinka ku yaalla xadka, oo dad badan ay ka carareen.

Villa Soomaaliya ayaa soo saartay 5tii bishan war qoraal ah oo ay ku shaacisay in Farmaajo uu xiriir taleefonka ah la sameeyay Uhuru Kenyatta, islamarkaana uu kala hadlay sidii loo qaboojin lahaa xiisadda, loogana wada shaqeyn lahaa amiga xuduuda labada wadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM