Wafdi ka socda Midowga Africa oo gaarey Beledweyne

Image
Image
Image
Image
Image
Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Wafdi ka socda Ururka Midowga Africa oo 27 xubnood ka kooban, ayaa maanta oo Talaado ah gaarey magaalada Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan, bartamaha Soomaaliya.

Madaxweynaha HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare iyo mas'uuliyiin kale ayaa Garoonka kusoo dhaweeyay wafdigan, oo uu hogaaminayo Wakiilka Midowga Africa, Francisco Madeira.

Ujeedka socdaalka Wafdiga ayaa la xiriirta ka qeybgalka shir amniga degaanada HirShabeelle looga hadlayo oo ka furmaya magaalada Beledweyne, sida ay sheegeen saraakiisha maamulka gobolka Hiiraan.

Wafdiga Gollaha Amniga iyo Nabad-gelyada Midowga Africa ayaa u yimid Soomaaliya qiimeyn iyo u kuur-galid inuu ku sameeyo xaaladda amniga ee dalka iyo qorshaha AMISOM ay ms'uuliyadda amaanka ay ugu wareejinayso ciidamada dowladda Soomaaliya.

Waxa uu Wafdiga booqday Baydhabo, oo uu kula soo kulmay madaxda sare ee maamulka Koonfur Galbeed iyo musharaxiinta doorashada Koonfur Galbeed, oo ay kala hadleen arrimaha amaanka.

Midowga Africa ayaa ka fekeraya xaaladda amni ee Soomaaliya kadib ka bixitaanka AMISOM, maadama ay khatarta Al-Shabaab ay wali jirto, islamarkaana ay dhul ballaaran gacanta ku haysa, iyadoo weerar halis ah k fulisa qeybaha dalka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM