Wakiiladda UN-ka iyo Midowga Africa oo la kulmey Axmed Madoobe

Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Nicholas Haysom iyo wakiilka Midowga Afrika, ahna madaxa AMISOM, Fransisco Madeira ayaa gaarey magaalada Kismaayo, maanta oo Isniin ah.

Soo dhawayn kadib, waxaa loo gal-galbiyey aqalka madaxtooyadda Jubbaland, halkaasi oo ay kulan kula yeesheen xubno uu ku jiro Madaxwayne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe].

Sida laga soo xigtay illo wareedyo lagu kalsoon yahay, dhinacyadda ayaa kulanka ay yeesheen waxay diiradda ku saareen khilaafka haatan dalka ka jira iyo sidii loo xalin lahaa is-mari-waaga jira ee u dhaxeeya dowlad-goboleedyada iyo Villa Somalia.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ee howlgalka UN-ka ee Soomaaliya ayaa lagu xusay in sidoo kale madaxda ay isla soo qaadeen arrimo ku saabsan horumarka degaanka iyo caqabadaha taagan.

"Wakiilka cusub ee Qaramda Midoobay ee Soomaaliya, iyo Ergayga Midowga Afrika, waxay la klmeen Madaxwayne Axmed Madoobe oo ay ka dhageysteen horumarka degaanka iyo caqabadaha," ayaa lagu yiri qoraalka.

Safarka ay wafuudaan caalamiga ah ay ku tageen caasimad goboleedka Jubada Hoose ayaa imaanaysa xili khilaafka udhaxeeya dowlada dhexe iyo maamuladda uu gaarey meeshii ugu sareeyay, inkasta oo Aqalka Sare uu ku howlan yahay sidii loo xalin lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM