Wakiilkii UN-ka ee ay Soomaaliya eriday oo jago cusub loo magacaabay

Image

WASHINGTON, US – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa Nicholas Haysom u magacaabay lataliyaha gaar ah ee Midowga Afrika u qaabilsan dadaalada dhex-dhaxaadinta Suudaan.

António Guterres oo kalsooni xoogan ka muujiyay in Haysom uu kasoo dhalaali doono jagada cusub ee loo dhiibay ayaa ku tilmaamay mid uu u leeyahay waayo aragnimo aad u badan.

"Mr Haysom waxa uu halkaasi u tagayaan si uu uga caawiyo iyaga wax kasta oo uu awoodi karo," ayuu wariyaasha u sheegay Stephane Dujarric, oo ah afhayeenka Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Xaalada dalka Suudaan ayaa u muuqata mid aanan wali sal-fadhisa lahayn tan iyo markii todobaadkii hore ciidamada milatariga ay afgamiyeen nidaamkii madaxwayne Cumar Al-Bashiir.

Talaabadasi oo ka dhalatay kadib kacdoon bilooyin socday oo shacabku sameynayeen ayaa ka bilaabatay nolosha dadwaynaha gaar ahaan qiimaha roodhiga iyo shidaalka oo korodhay.

Midowga Afrika oo bilaabay dadaalo uu ku xasilinayo xaalada Sudan ayaa ku tartarsiiyay milatariga in ay talada wadanka ku wareejiyaan muddo 15 casho ah si loosoo dhiso dowlad shacabku maamulo.

Nicholas Haysom oo xilal kala duwan u soo qabtay UN-ka ayaa meeshii ugu dambeysay ee uu uga soo shaqeeyo waxay ahayd Soomaaliya oo bishii June 2019 ay kasoo eriday dowladda federaalka.

Xukuumada ayaa ku eedeysay diblumaasigaan reer South Africa in uu meel uga dhacay madax banaanida qaranka, isla markaana uu farageliyay arrimaha gudaha ee dalka bariga Afrika ku yaalla.

Haysom oo sidoo kale madax u soo noqday howlgalka Qaramada Midoobay ee wadamada South Sudan iyo Afghanistan ayaa khibrad badan u leh colaadaha iyo qaabka ugu sahlan ee loo qaboojin karo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

QM: Al-Shabaab loogama adkaan karo dagaal keliya, DFS wadahadal hala gasho

Saul ayaa sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab ay diyaar u yihiin in laga wada hadlo mustaqbalka dalka.

  • Soomaliya

    27-05-2025

  • 06:01PM

Kheyre: Xasan Sheekh waa inuu joojiyaa doorashadda macmalka ah ee uu ku riyoonayo

Hadalkan ayaa imaanaya xilli muran iyo dhaliilo xooggan ay ka taagan yihiin hannaan doorasho oo dowladda Federaalka ay wado.

  • Soomaliya

    27-05-2025

  • 04:53PM