Walaalo kamid ahaa askartii DF iyo Jubaland ee ku diriray Beledxaawo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Cabdiraxmaan Cabdirashakuur Warsame ayaa shaaciyey in walaalo ay kamid ahaayeen ciidankii ka qeybgalay dagaalkii Dowlada Soomaaliya iyo Jubaland ee Beledxaawo.

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa daaha ka rogay in "wiilasha" ay isku hooyo yihiin, isla markaana la kala safan yihiin dhinacyada diriray.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya ma uusan soo bandhigin magacyadda askarta. Si lamid ah ma uusan caddeyn hadii ay waxyeelo kasoo gaartay iska hor-imaad oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan.

Hoos ka akhriso qoraalka siyaasiga

Waxaa la ii sheegay in labo wiil oo isku hooyo ah ay dagaalkii Beled-Xaawo labada dhinac ka dirirayeen.

Bil ka hor ayaan ka dignay ciidanka lagu dhurayo Gobolka Gedo in uu abuurayo cadaawad iyo colaad sokeeye ayna cidi ka faa’iidaynin.

Si kasta oo shaati qaran loo huwiyo, ciidanka magaca Federaalka wata ee ay Itoobiya taageerayso iyo kan magaca Jubbaland wata ee ay Kenya garabka siineyso kalama waddanisana, kalamana Soomaalisana, ee midna hantidii qaranka, qalabkii warbaahin iyo cayayaanka baraha bulshada ayaa halyey ka dhigaya, kan kalena khaa’in ku tilmaamaya.

Inta garashada iyo caqliga u saaxiibka ah way ogtahay in xalku ku jiro Soomaalida oo heshiisa, Kenya, Itoobiya iyo ajnabiga kale oo faraha nagala baxa, Al-shabaab oo aan la heshiinno ama si wadajir ula dirirno.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM