Waqtiga la dooranayo hogaanka Galmudug garabka DF oo la bedelay

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Guddiga doorashada baarlamaanka labaad ee Galmudug, garabka dowladda federaalka, ayaa muddo saddex cisho ah dib u dhigay coddeynta madaxtinimada.

Xildhibaan Maxamed Xuseen, oo guddiga u hadlay, ayaa sababta ku sheegtay codsi kaga yimid murashaxiin sagaal gaaraya iyo guddoonka Golaha Wakiilada maamulkaas.

"Doorashadda madaxweynaha waxay dhaceysaa maalinta Axada ah hadii uu ALLE raali ka noqdo," ayuu mudanaha ka sheegay shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Dhuusamareeb.

Warar madax banaan ayaa xaqiijinaya in sababta keentay dib u dhacaan ay tahay cadaadis dowlada federaalka kaga yimid Beesha Caalamka oo ah in aysan qaadi talaabo aan loo dhameyn.

Garabka taageersan dowlada federaalka ayaa lagu wadday in doorashada madaxweynaha u qabsoonto Khamiista, 30-ka Janaayo, 2020.

Murashaxiinta uu diiwaan-geliyey guddigaan ayaa maanta la hadlay baarlamaanka ay aqoonsan tahay xukuumadda ra'iisul wasaare Khayre.

Deeq-bixiyeyaasha oo ku baaqay tanaasul iyo wada-hadal ayaa la sheegay in aysan ictiraafi doonin natiijo kasta oo kasoo baxday doorashooyinka is-barbar socda ee ka dhacay Dhuusamareeb.

Dib u dhigista ayaa imaaneysa iyaddoo Ahlu Sunna ku dhawaaqday in ay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan u doorteen hogaamiyaha afarta sano ee soo aadan majaraha u hayana Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM