Waqtiga xayiraada laga qaadayo duulimaadka maxaliga oo la shaaciyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxay sheegtay in horaanta asbuuca soo aadan la qaadi doono xayiraadda duulimaadyadda gudaha ah.

Wasaaradda Duulista Hawada xukuumadda Muqdisho ayaa ka dhawaajisey in talaabadaas ay mid ku meelgaar ah isla markaana ay la socon doonan xaaladda.

Balse, wasaaradda ayaanan carabaabin taariikhda saxda ah ee la qaadi doono xayiraaddaas oo safmarka Coronavirus awgiis loosoo rogay.

Hase ahaatee, warbaahinta maxaliga ayaa warineysa in go'aanka lagu laalayo xayiraadda uu soo bixi doono 8-da bishan June, 2020-ka.

Warka qoraalka ah ee wasaaradda ayaa waxaa nan soo hadal-qaadin qorshaha uga degan duulimaadyadda caalamiga ah oo la joojiyey.

Bishii Maaj 29-keeda ayay ahayd markii lasoo rogay go'aanka xayiraadda ee duulimaadyadda gudaha ah marka laga reebo daawooyinka iyo raashiinka quutul daruuriga u ah nolosha bini'aadamka.

Kiisaska xanuunka Covid-19 ee gudaha Soomaaliya ayaa maraya 2,089, dhimashadana waxay cagcageyneysaa 79, bogsashadana 380.

Hakinta duulimaadyadda caalamiga ah iyo kuwa gudaha ayaa kamid ahaa talaabooyinkii ugu horeeyay ee dowladdu u qaadey xakameynta musiibadan, balse halista cudurka waxaa muuqata in ay jirto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM