Mareykanka oo ka hadlay xaalada askari looga dhaawacay Soomaaliya

Image

KISMAAYO, Jubaland – Qarax is-miidaamin ah ayaa lagu waramay in Axada maanta ah lagu beegsaday saldhig ciidan oo ku yaala degaanka Janaay Cabdalla, oo 60 KM dhanka Galbeed ka xiga magaaladda Kismaayo.

Tafaasiil kala duwan ayaa kasoo baxeysa khasaaraha weerarka oo ku bilowday qarax ayna xigeen iska hor-imaad dhexmaray ciidamadda iyo dagaalameyaal ka tirsanaa xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida.

Saraakiisha Jubaland ayaa sheegay in ay fashiliyeen weerarka, wallow ay ka gaabsadeen in ay bixiyaan fahfaahino intaas ka badan.

Al-Shabaab ayaa baraha ay ku faafiso wararkeeda waxay ku warisay in ay beegsatay ciidamo isugu jira Soomaali iyo kuwa Ameerikaan ah.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa xaqiijiyey in hal askari looga dhaawacay falkaas. War-saxaafadeed ayay kaga dhawaajiyeen in dhaawaca askariga "uusan ahayn mid halis ku ah noloshiisa".

Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in hal dagaalame oo Al-Shabaab ay dhacdadaas ku khaarijiyeen. Saddex askari oo Soomaali ahna ay ku naf-weysay qaraxaas.

Degaanka Janaay Cabdalla oo hoostaga gobolka Jubada Hoose waxaa dhowaan la wareegay ciidamada Jubaland kadib howlgal ay ku qaadeen.

Aadan Goojaar, taliyaha guud ee ciidamada Jubaland oo tibaaxay in maalinta ay qabsanayeen degaanka ay laba askari kaga dhimatay qarax miino, ayaa ku nuux-nuuxsaday in ay baaqi kusii ahaan doonan degaanka.

Janaay Cabdalla oo u dhaxeeya degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow ayaa muhiim u ahaa Al-Shabaab, waxaana ay ka heli jireen dakhi maaliyadeeed o oculus kuwaasoo gaadiidka dadweynaha ay ka uruurin jirtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliye Ciidan oo Helay Darajada Ugu Sarreysa kadib Dagaal uu La Galay Dal Deris Ah

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Pakistan ayaa lagu sheegay in Munir lagu…

  • Soomaliya

    21-05-2025

  • 12:55PM

Aqalk Cad oo baahiyay muuqaalka duqeyn lagu beegsaday Daacish gudaha Calmiskaad

Mareykanka ayaa toos uga qeyb-qaadanaya dagaalka Daacish ee ka socda Calmiskaad, kaasoo Ciidamada Puntland billaabeen December 2024.

  • Soomaliya

    21-05-2025

  • 11:41AM