Wararka ku xeeran dedaalada "heshiisiinta" Xaaf iyo Villa Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wada-hadalo lagu qaboojinayo xiisadda kasoo cusboonaatay Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Villa Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in ay ka bilowdeen magaalooyin kala duwan.

Dedaaladan ayaa la sheegayaa in ay wadaan xubno labadda dhinac aad ugu dhow, kuwaasoo "iskooda isu xilqaamay".

Warar is-khilaafsan ayaa kasoo baxaya natiijadda illaa iyo haatan laga gaarey "heshiisiinta" oo ujeedkeedu yahay in xal la helo.

Warbaahinta qaarkeed ayaa ku warameysa in dedaaladii ugu horeeyay ay guuldareysteen loona balansan yahay kulamo kale.

Madaxweynaha Galmudug ayaa tan iyo markii 1-dii Janaayo, 2020, uu dib ugu laabtey Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug, qaadey talaabooyin liddi ku ah qorshaha Villa Soomaaliya ee Galmudug.

2-dii Janaayo, 2020, Xaaf ayaa sheegay in uu wakiilnimadii doorashadda Galmudug kala noqday Dowladda. 3-dii Janaayo, 2020, Xaaf wuxuu magacaabay guddi doorasho, isagoo difaacay guddigiisa.

Doorashooyinka Galmudug ayaa wajahayey caqabado kala duwan, waxaana muddooyinkii u dambeysay hortaagneyd Ahlu Sunna.

Hase ahaatee, waxay haatan u muuqaneysaa in ay dhinac kale dood ka furan tahay oo ah Xaaf oo ku adkeystay "waxaan aniga rabin hadda kadib kama soconayaan dowlad goboleedka Galmudug.

Sikastaba ha ahaatee, tani ayaa sarre u qaadeysa walaac laga qabo in doorashooyinka Galmudug ay ku yimaadaan dib u dhacyo kale ama in maamulku yeesho laba madaxweyne oo iska soo horjeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM