Wararkii ugu dambeeyay ee Baydhabo iyo Musharixiin Go'aano culus soo saarey

Image
Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Isbaheysi ay ku midoobey musharixiin uu horkacayo Mukhtaar Roobow ayaa war kasoo saarey faragelinta Villa Somalia ee doorashada maamulka Koonfur Galbeed.

Bayaan ka kooban 9 qodob, oo ay si wadajir ah usoo saareen saddex Musharax, oo kala ah Mukhtaar Roobow, Ibraahim Maclin Nuur iyo Aadan Saranasoor, ayaa looga hadlay arrimo badan oo ku saabsan doorashada.

Musharixiinta ayaa walaac ka muujiyay madax-banaanidda Guddiga Doorashada, oo ay sheegeen inuu cadaadis kala kulmayo Madaxda KMG ah ee maamulka Koonfura Galbeed.

Waxay sheegeen in la baal-maray xuquuqdooda, islamarkaana aan lagala tashan go'aankii Guddiga uu ku dhawaaqay Sabtidii lasoo dhaafey ee ahaa in markii 4aad dib loo dhigay waqtiga Doorashada.

Musharixiinta ayaa ku baaqay in dib looga soo celiyo ciidamo siyaasadeysan, oo dowladda Federaalka ku daad-gureysay Baydhabo maalmihii lasoo dhaafay, kuwaasoo abuurey xasilooni darro.

Waxay ku tilamaameen dib u dhaca doorashada inuu yahay mid lagu soo beegay waqtiga ciida "Christmas Day" oo ay fasax galayaan wakiiladda beesha caalamka, gaar ahaan kuwa reer galbeedka, islamarkaana ay adkaaneyso inay usoo diraan Baydhabo korjoogeyaal hubiyo hanaanka doorashada.

War-Saxaafadeedka ayaa lagu shaaciyay in korjoogeyaasha la'aantood ay shaki gelinayso in doorashada ay u dhaco si xor iyo xalaal ah, suurta-galna ay tahay in dowladda Federaalka musuq-maasuqdo codadka, una fara-maroojiso musharaxeedda.

Waxay ku baaqeen in la dhiso guddiga madax-banaan oo mas'uuliyadiisu tahay la dagaalanka musuq-maasuqa doorashada, maadaama uu jiro walaac laga muujiyay madax-banaanid guddiga doorashada.

Si kastaba, waxaa loo balansan yahay in 19-ka bishan ay Baydhabo ka dhaco doorashada xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, taasoo musharixiinta u tartamaya uu kamid yahay Cabdi-Casiis Lafta-Gareen, oo la sheegay inay taageereyso Villa Somalia.

AKHRI WAR-SAXAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu La Kulmay Ninkii Kaliya ee Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradda ee Ay Ku Dhinteen 242 Qof?

Diyaaradda oo ahayd duulimaadkii AI171 kuna sii jeeday Garoonka Gatwick, ayaa waday….

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 09:16PM

Dowladda Soomaaliya oo Ka Laabatay xayiraadda Baasaboorka Taiwan Iyadoo uu Cadaadis Saaray Mareykanka

Taiwan iyo Somaliland labaduba waxay sheegtaan inay yihiin dalal madax bannaan — mid ka go’ay Shiinaha iyo mid ka go’ay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 01:30PM