Wararkii ugu dambeeyay qaraxii caawa ruxay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo Khamiista caawa ah ka dhacay bartamaha magaaladda Muqdisho.

Qaraxa oo ka dhashay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa isgoysyada Dabka iyo Shaqaalaha ee caasimada Soomaaliya.

Warar is-khilaafsan ayaa kasoo baxay halka uu ahaa bartilmaameedka weerarka. Fahfaahinada qaar waxay sheegayaan in uu ahaa Hotel-ka Maka Al Mukarama.

Si lamid ah, meesha uu qaraxu ka dhacay waxaa ku yaalla Hotelo kale oo ay ku jiraan Hilaac UK, Wardheere iyo goobo kale oo ganacsi, kuwaasi oo uu sameeyay qaraxa.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegaya in khasaaraha uu geystay weerarka ay badan tahay, inkasta oo aan la cayimi karin maadaama ay habeen tahay.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyada weerarkaan oo noqonaya mid kamid kuwii ugu cuslaa ee ka dhaca magaaladda Muqdisho sanadkaan 2019.

Fahfaahino dheeraad ah kula soco wararkeena dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya oo Hareeyay Shirka Kampala, Museveni oo Ku Baaqay Wada-hadal Loo Dhan Yahay

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka aragti duwanaaday soo jeedintan.

  • Soomaliya

    31-07-2026

  • 12:06PM