Wariye caan ah oo ku dhintay qarax ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wariye Cawil Daahir Salaad, oo kamid ahaa Suxufiyiinta Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ayaa ku dhintay qaraxyo saaka oo Sabti ah ka dhacay Muqdisho.

Allah ha u naxariistee Cawil Daahir oo ka shaqeynayay Universal TV ayaa ku geeriyoodey qaraxii koowaad oo ka dhacay afaafka hore ee Tiyaatarka Qaranka, oo ku dhaw Aqalka Madaxtooyadda Villa Somalia.

Cawil Daahir iyo saddex kale oo kamid ahaa Shaqaalaha Universal TV, ayaa kuwada dhintay qaraxa kadib markii uu haleeyay gaari ay wateen xilli uu marayay bar-koontarool oo gaadiidka lagu baaro.

Wariyaha ayaa ahaa shaqsi caan ah, oo u qaban jiray Universal TV doodaha arrimaha siyaasadda iyo wareysiyada gaarka, isagoo mudooyinkii dambe ku sugnaa Muqdisho.

Wararka ayaa sheegay in qaraxa labaad oo ka dhacay Taallada Daljirka Daahsoon ay ku dhaawacmeen ku xigeenka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Maxamed Tuulax iyo Xildhibaan katirsan Gollaha Shacabka oo lagu magacaabo Warsame Joodax.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Masar oo ka hadashay Qaraxii lala eegtay Dhalinyarada qoranaysay Askarta

Bayaanka Masar ayaa si cad u sheegay taageerada dowladda Masar ee hay’adaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka iyo ciidamada amniga.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 12:56PM

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM