Warqad ka dhan ah hay'adda NISA oo loo diray madaxda DF Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa warqad u dirtay xafiisyadda madaxweyne Farmaajo, ra'iisul wasaare Khayre, gudoonka labada aqal iyo xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Ugu horeyn, waxay walaac xoogan ka muujiyeen wararka dhowaan soo baxay ee tibaaxay "xiriirka iyo wadashaqeynta" u dhaxeysa hay'adda sirdoonka ee NISA iyo maleeyshiyaadka Al-Shabaab.

Xubno ka tirsan Madasha ayaa si madax banaan warsidaha afka dheer ee Garowe Online ugu xaqiijiyey sax-ahaanshiyaha warqadda.

"Madasha Xisbiyadda Qaran waxay ku baaqeysaa baaritaan madax-banaan oo lagu sameeyo weerarkii sanadkii hore lagu qaadey xafiiska Muqdisho ee lagu dilay gudoomiye Eng Yariisow, wada-sheekeysiga la sheegay in uu dhexmaray xubno ka tirsan NISA iyo Al-Shabaab, adeegsiga warbaahinta iyo bogaga NISA ee baraha bulshadda oo loo adeegsado ujeedooyin shaqsi ah," ayaa lagu yiri warqada oo ku taariikheysan 19-ka April, 2020.

Sidda laga soo xigtay warka qoraalka ah, madashu waxay ka xuntahay shaqsiyaadka hogaanka NISA "looga sifeeyay ajande siyaasadeed".

Warqadda oo Af Soomaali ku qoran ayaa lagu tilmaamay in hogaanka NISA loo gacan-geliyey shaqsiyaad leh ujeedooyin siyaasadeed "taas oo keentay in hay'addu ka habowdo shaqadeedii".

Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowaan ku adkeystay in ay waxba kama jiraan yihiin wararka NISA la xiriirinaya xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida, balse madashu way diidey.

QORAALKA MADASHA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM