Warsame: Farmaajo waa in uu qirto askarta uu u diray Eritrea

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warbixinta UN-ka kasoo saartey xaalada gobolka Tigray ee lagu xaqiijiyey doorka askarta Soomaalida ah waa biyo kama dhibcaan, sidda uu ka dhawaajiyey musharax madaxwayne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo shir jaraa'id ku qabtey caasimada Muqdisho, ayaa rumeysan "in ay soo dhamaatay xilligii la isku qarinaayey daaha gedaashiisa".

"Way dhamaatay xilligii daaha gedaashiisa la isku qarinaayey daaha gedaashiisa. Waxaan dalbaneynaa in mas'uuliyada la qaato. Waxaan dalbaneynaa in dowladda ay u jawaabto waalidiinta maalin walba taagan warbaahinta," ayuu yir.

Madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo ayuu ugu baaqay "in uu banaanka soo istaago qaatana mas'uuliyada". "Wuxuu doonayaa in doorashada uu galayo ku qariyo dambiyo uu dalkan ka galay ayna kamid tahay in uu dagaal ugu diray dalka dibadiisa dhalinyarro Soomaaliyeed," ayuu hadalkiisa ku daray Warsame.

Warsame oo si weyn u ayiday warbixinta ayaa ugu baaqay golaha wadatashiga qaranka oo ka kooban madaxda dowlada federaalka ah iyo maamul goboleedyadda in ay go'aan cad ka qaataan qadiyaddan.

"Waxaan rabaa in aan la hadlo ra'iisul wasaaraha Rooble. Waxaan rabaa in uu la kulmo waalidiinta. Waxaan rabnaa in uu ka hadlo meesha ay joogaan askartaas. Waxaan rabnaa in uusan ka gambanin oo uu caddeeyo mowqifkiisa maadaama uu isagu hadda mas'uul ka yahay amniga oo waalidiinta uu la raadiyo caruurtooda," ayuu ka dhawaajiyey Warsame.

Isaga oo sheegay in qaabka kalkii hore loo qoray askarta ay baalmarsaneyd sharciga, Warsame ayaa caddeeyay in muhiim ay tahay in nolol iyo gaari la sugo masiirka askartaas "kii dhintana magdhow laga bixiyo".

Kiiska askarta Soomaalida ah ee tababarka loogu qaadey Eritrea kadibna laga dagaalgeliyey gobolka Tigray ee Itoobiya ayaa u muuqda mid hareyn doona doodaha doorashooyinka madaxtinimadda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM