Warsame: Farmaajo wuxuu xaalufiyey qasnadii dawladda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo wuxuu xaalufiyey qasnadii dowladda, isagoo lacagta qaranka u adeegsadey dano shaqsiyadeed, sida uu sheegay musharax madaxwayne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa sidoo kale wuxuu Farmaajo ku eedeeyay in uu caasimadda Muqdisho ka dhigay "magaalo colaadeed".

Sida laga soo xigtay Warsame, Farmaajo ayaa kala qeybiyey ciidamadda, waxaana uu ujeedkiisa ugu weyn yahay in uu dadka ku qasbo in ay ogolaadaan ama aqbalaan xukunkiisa

"Farmaajo waa hoggaamiye kooxeed habeen meel ciidan dul dhiga xaafad cusub, taasoo sababta in shacabku barakaco. Ujeedka ugu wayn ee uu leeyahay waa in uu dadka ku qasbo in ay xukunkiisa xoog ku aqbalaan," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Waxaan la hadlayaa ciidanka inta weli damiirkooda nool yahay, Farmaajo wuxuu qixinayaa waa ilmihiina, walaalidiin iyo walaalihiin, wuxuu qaybiyey ciidankii, Muqdisho magaalo colaadeed ayuu ka dhigay, wuxuu xaalufiyey qasnadii dawlada".

"Dagaalka oo aad ka diidaan ayuu dalka qaxa iyo dhibka uga baaqsan karaa," ayuu kusoo xiray. Dhawaqaan wuxuu kusoo aadayaa xilli Muqdisho ay maanta si weyn uga barakaceen boqolaal ruux oo shacab ah.

Dhanka kale, siyaasi Warsame ayaa si adag uga jawaabay hadal maanta kasoo yeeray wasiirka amniga xukuumada xilgaarsiinta oo ah in mucaaradka ay qixinayaan shacabka kaga digay in lagu soo dul-gabado.

"Warka Wasiir Xundubeey waa mid uu Farmaajo weli colaad iyo barakac hor leh ku doonayo, kuna xalaalaysanayo guluf dagaal oo hor leh. Asalka mushkilada waa muddo kororsi iyo xukun boobka Farmaajo, xalkeeduna waa in uu dadka iyo dalka dhaafo, si nabad iyo xasillooni loo helo," ayuu hoosta ka xariiqay.

Khilaafka doorashooyinka Soomaaliya ayaa gacan ka hadal isku rogtay todobaadkan. Ciidamada qaranka ayaa u kala jabay mucaarad iyo muxaafid. Isku-dhacyada waxaa laga cabsi qabaa in ay kusii fidaan qeybaha kala ee caasimada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi oo sheegay in Soomaaliya ay ku jirto “socdaal isbeddel”

Kulan uu la qaatay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Kenya ayuu ka sheegay hadalkan.

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 05:45PM

Dib u eegista qorshaha howlgelinta Nidaamka Aqoonsiga oo bilaabatay

Kulanka oo hal maalin ah ayaa lagu wadaa in lagu falanqeeyo Dib u eegista qorshaha howlgelinta Nidaamka Aqoonsiga (SNID).

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 08:35AM