Warsame: Lagama yaabo in Farmaajo fursad siiyo Rooble

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Farmaajo lagama yaabo in uu fursad siiyo dedaalada xukuumada xilgaarsiinta ee doorashooyinka, sida uu saadaaliyey musharax madaxwayne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa daaha ka rogay in Farmaajo uu xagal-daacinayo dedaalada Midowga Afrka ee xalka doorashada kaasoo isagu kal hore uu dalbadey.

Sida laga soo xigtay Warsame, madaxweynaha xilka kasii degaya ayaa wali "falqalallo" ka dhex-wada ciidamadda oo ku kala qeybsamay damaciisa "kursi isku-kooleynta" iyo muddo kororsiga labadda sano ee gabi ahaanba dhicisoobay.

"Farmaajo isaga ayaa dalbaday in Midowga Afrika arrimaha Soomaaliya soo dhexgalo, haatanna isaga ayaa diidaya markii uu dantiisa ka arki waayey. Farmaajo weli ciidanka fadqalallo ayuu ka dhex wadaa. Danaha shacabka Soomaaliyeed ayuu u afduubay dan ganacsi oo ay walaalkiis iyo saaxibbadiisu leeyihiin," ayuu ku bilaabay hadalkiisa.

Wuxuu intaas ku daray: "Marna lagama yaabo in Farmaajo fursad u siiyo Raysalwasaare Rooble in uu muujiyo hufnaan uu saamileyda siyaasadda ugu dhexeeyo iyo madax bannaani uu go’aannadiisa ku qaato".

Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya ayaa ku booriyey ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble in uu qaado talaabooyin u adeegaya arrimaha laga filayo oo ay kamid tahay dib-u-habeynta hogaanka hay'adda ammaanka dalka.

"Haddaba Raysalwasaare Rooble waxaa looga fadhiyaa in uu qaado tallaabooyin xoojinaya filashada laga qabo ee ah in uu Farmaajo fariinka u qabto, xeeriyana danta shacbaka Soomaaliyeed, muujiyana in uu ka madax bannaan yahay saameynta taban eeFarmaajo iyo kooxdiisa," ayuu hadakiisa kusoo gabagabeeyay.

Dhawaqa Rooble ayaa kusoo hagaagaya xilli xukuumadda xilgaarsiinta gaar ahaan wasiirka amniga Xasan Xundubey Jimcaale uu shalay ka dhawaajiyey in heshiiska mucaaradka la galeen uusan ku jirin in la bedelo taliyeyaasha ciidamadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM