Warsame oo cambaareeyay xirida kiiska Cabdirashiid Janan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa si adag u cambaareeyay talaabadda lagu soo xiray gal-dacwadeedka ka dhanka ah Cabdirashiid Maxamednuur Janan, wasiirkii ammaanka maamulka Jubaland.

Musharaxa madaxwayne oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa cod dheer wuxuu ku muujiyey sida uu uga xun-yahay go'aankaas kasoo baxay Xafiiska Xeer-ilaalinta Qaranka.

Warsame oo soo xigtay hadal horey uga soo yeeray Imaam Ibnu Taymiyah ayaa hoosta ka xariiqay in go’aanadan noocaan ee cadaalad daradda ah ay dhiiragelinayaan burburka iyo qaran-jabka.

"Xeer ilaaliyaha guud ee Israa’iil ayaa dacwad ku soo oogay Raysalwasaaraha dalka Benyamin Netanyahu. Maxkamadda Jerusalem ayaa billawday dhageysiga dacwaddiisa, halka shalay xeer Ilaaliyiha Soomaaliya dacwad uu isagu horay ugu soo oogay C/rashiid Janan u cafiyey, Maxkamadda Banaadirna ku raacday," ayuu Warsame ku daabacay bartiisa Facebook.

Wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: Imaam Ibnu Taymiyah ayaa laga wariyey in uu yiri "Alle dowladdii caaddil ah ayuu u gargaaraa, haddii ay doonto gaalo ha noqotee, garabna ma siiyo dowladdii dulmiga ka shaqeysa haddii ay doonto Muslim ha ahaato".

"Dulmiga, caddaalad darrida iyo ku tumashada xaqa muwaadinka waxey horseeda burbur ummadeed iyo qaran jab. Farriintaan hala gaarsiiyo kuwa culimmada sheegta ee maalin walba fatwada diiniga ah la garab taagan Farmaajo oo sidii uu doono sharciga dalka ugu tunta," ayuu xusay.

Janan oo loo haystay eedeymo isugu jiray dil, xarig sharci darro ah iyo tacadiyo dhanka xuquuqul insaanka ah ayaa dhowaan heshiis la galay maamulka muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey ee Farmaajo, waxaana uu ku wareejiyay ciidamo daacad ah oo Gedo uu ku haystay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM