Warsame oo duray maqaalkii Farmaajo ee Foreign Policy

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharax madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhaleeceeyay maqaalkii uu madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo ku daabacay wargeyska Foreign Policy.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa sheegay in Farmaajo oo faalada isaga fogeeyay daahida coddeynta si weyna isugu difaacay uu mar walba mas'uul ka yahay dib-u-dhaca doorashooyinka.

Sida laga soo xigtay qoraal uu Warsame ku daabacay bartiisa gaarka ah ee mareegga Facebook, madaxweynaha xilka kasii dagaya waxaa uu lamid yahay qof ka cararaya cawaaqib ka dhasha ficil uu sameeyay.

"Juxa ayaa hadda ka hor waxaa marti qaaday Boqor, wuxuuna amray in qare ama xabxab lagu casuumo. Boqorkii iyo Juxa cunitaankii qaraha ayey billaabeen. Markii ay dhammeeyeen ayuu boqorkii qolfihii qaraha oo dhan Juxa agta ka dhigay, kaddibna dadkii ayuu isugu yeeray oo uu ku yiri “bal eega cirweynida Juxa, kiintaalka qolfaha ah iyo waxa uu qare cunay," ayuu Warsame yiri.

Wuxuu intaas ku daray: "Dadweynihii madaxa ayey gacanta saareen, iyagoo cirweynida Juxa ka yaabban. Juxa isagoon is lurin buu si yar u yiri “ War boqorka cir weynida igu eedaya, qarihii iyo qolofkiiba wuu isku cunay".

"Maqaalka Madaxweyne hore Farmaajo uu leeyahay “Eedda doorashada anigu ma lihi” waa taas oo kale. Eedda doorashada, dagaalkii dhacay iyo dalka wixii ka go’ayba isagaa leh," ayuu hadalkiisa kusoo afjaray.

Qormadda Farmaajo oo ciwaankeedu ahaa "ha igu eedeyn dib-u-dhaca doorashooyinka Soomaaliya" ayaa u muuqatay hadaljeedinti 28-kii April, 2021 oo loo turjumay English maadaama wax cusub aysan ku jirin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM