Warsame oo sheegay in DF heysay xogta qaraxii Luul Yemeni

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamadda ammaanka Soomaaliya ayaa hayey xogta weerarkii Al-Shabaab ay xalay ku ekeysay maqaayadda Luul Yemeni balse waxaa looga mashquuliyey in ay jidadka ka xirtaan banaanbaxa musharaxiinta, sidda uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa qoraalkiisa soo raaciyey warqad caddeyneysa digniinta dhanka amniga ah ee loo diray mamaulka gobolka Banaadir.

"Ciidanka Booliska waxay hayeen xogta la xariirta in weerar argagexiso lala beegsanayo maqaaxida Luul-Yamaani ee xalay la weeraray oo ay 25 ruux ku dhimatay, 45 kalane ku dhaawacantay. Allaha u naxariisto intii dhimatay, Allahana u booga dhayo inta dhaawaca ah," ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray: "Ciidankii xogtaa ka hortegi lahaa waxaa loo adeegsaday, heegana loo geliyey in ay jidadka ka xiraan shacab si nabad ah u dibadbixi lahaa, argagexisadiina waa laga jeedsaday. Ciidanka waa in ay diidan difaaca kaligii taliska, oo ay shacabka halista ka ilaaliyaan".

Maamulka gobolka Banaadir iyo taliska booliska Soomaaliya ayaan wali ka jawaabin eedeynta kaga yimid wasiirkii hore ee qorsheynta.

Hadii la xaqiijiyo sheegashadda siyaasi Warsame, waxay muujineysaa habacsanaanta laamaha ammaanka Soomaaliya iyo in ay ku guuldareysteen in ay baajiyaan weerar macluumaad fahfaahsan ay ka hayeen.

Khuburadda amniga ayaa horey uga digay in mashquulka badan ee madaxda dowladda federaalka ku yihiin xarig-jiidka dhanka siyaasadda ay fursad dahabi ah u tahay maleyshiyadda Al-Shabaab, iyaga oo ku taliyey in ciidanka ammaanka loo jiheeyo xasilinta iyo xaqiijinta nabad-gelyada waddanka.

Hoos ka akhriso qoraalka Warsame faafiyey

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu La Kulmay Ninkii Kaliya ee Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradda ee Ay Ku Dhinteen 242 Qof?

Diyaaradda oo ahayd duulimaadkii AI171 kuna sii jeeday Garoonka Gatwick, ayaa waday….

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 09:16PM

Dowladda Soomaaliya oo Ka Laabatay xayiraadda Baasaboorka Taiwan Iyadoo uu Cadaadis Saaray Mareykanka

Taiwan iyo Somaliland labaduba waxay sheegtaan inay yihiin dalal madax bannaan — mid ka go’ay Shiinaha iyo mid ka go’ay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 01:30PM