Warsame oo weerar afka ah ku qaadey maamulka Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir ahna musharax madaxwayne, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa si aan toos ahayn uga hadlay is-mari-waaga ka dhex-jira shirka Afasiyooni.

Warsame oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa sheegay in madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey uu ku mayal-adeegayo in aan laga hadlin qodobada xudunta u ah khilaafka haatan taagan.

Sidda laga soo xigtay Warsame, mucaaradka Soomaaliya ayaa wajahaya kala doorashadda "muddo kororsiga ama doorasho qoriga caaradiisa". Masoo bandhigin cidda ku dirqineysa in ay aadaan talaabooyinkaas.

Hoos ka akhriso qoraalka

Farmaajo isaga oo aan afka kala qaadin ayaa rag ka soo horeeya u doodayaan, iyagoo leh:-

1- Looma baahna in laga hadlo muddo xileedka dhamaaday ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha
2- Maxaa looga baahan yahay in looga hadlo weerarkii habeenkii iyo subixii 19 Febraayo dhacay.
3- Looma baahna in Midowga Murashaxiinta iyo Wakiilada Somaliland doodda ay qabaan laga dhagaysto
4- Looma baahna in damaanad loo helo fulinta heshiiska.

Taasoo ka dhigan in la galo doorasho uu Farmaajo murashaxiinta la tartamaysa weerari karo, xildhibaanka uu diidan yahay Baarlamaanka ka xiran karo, Madaxweyne Dawlad Goboleedna uusan Muqdisho si nabad ah murashaxii uu doono ugu ololayn karin. Waxaa nala kala dooransiinayaa; Muddo kororsi mise doorasho qorayga caaradiisa ah


Hogaamiyeyaasha Soomaalida ayaa maalintii labaad waxay ku shireen xerada Afasiyooni ee Muqdisho. Fahfaahinada maalintii koowaad waxay xusayaan in madaxda aysan wax horumar ah ka sameyn dooda.

Villa Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in aan laga hadlin dhamaadka xilheynta Farmaajo, xadgudubyadii dhanka ammaanka iyo doorka mucaaradka. Halka Puntland iyo Jubaland ay doonayaan in la wajaho arrimahaas.

Fashil kasta oo wadahadalan ku yimaadda ayaa dhabaha waxay u xaari karaan in Beesha Caalamka ay gabi ahaaba la wareegto hogaaminta wadaxaajoodyadda taasoo dharbaaxo culus ku noqon doonto damaca Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM