Wasaarada Caafimaadka oo "laga afduubtay" shaqooyinkeeda Covid-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Si ka duwan dowladaha kale ee caalamka, Soomaaliya ololaha lagula dagaalamayo safmarka halista badan ee Coronavirus waxaa hor-boodaya "xafiisyo aan shaqo ku lahayn qadiyada taagan".

Wasaaradda Caafimaadka federaalka oo ay ahayd in ay hogaamiso gulufka looga gaashaamanayo faafitaanka xanuunka dilaaga ah ayaa laga afduubay awooda, iyadoo qiil laga dhiganayo "tuhun la xiriira musuqmaasuq".

Mas'uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ayaa xabsi loo taxaabay iyaddoo lagu eedeeyay wax-is-dabamarin, balse ma cadda hadii maxkamad lasoo tagaay si lamid ah ma jirto meel lagu soo bandhigay eeda loo haysto.

Xafiiska ra'iisul wasaaraha, Xasan Cali Khayre, ayaa gebi ahaanba maroor-saday dhamaan shaqooyinka ku aadan Covid-19, iyadoo ay soo baxayaan eedeymo musuqmaasuq iyo mashruuc ku raadin ka hortaga Corona.

Bogaga Baraha bulshadda ee Wasaarada Caafimaadka oo ahayd in ay noqdaan isha koowaad ee laga helo xogta guud ahaan waddanka ee caabuqa ayaa noqdey kuwa fadhiid, waxaana la sameeyay ciwaano kale.

Ciwaanada dhowaan la sameeyay waxaa kamid ah Somalia Covid-19, halkaas oo lagu faafiyo xogta Corona kahor inta aan lasoo dhigin bogaga Wasaaradda. Si lamid ah, xafiiska ra'iisul wasaaraha ayaa lamida.

Illaa iyo haatan, lama ogga sababta dhabta ah ee ka dambeysa dhamaan talaabooyinkaan oo ay su'aal geliyeen siyaasiyiinta. Qaarkood waxay ku sifeeyay "faragelin lagu sameynayo shaqo ay leedahay Wasaarad".

Dhanka kale, warar ayaa sheegaya in qeybta warbaahinta xafiiska wasiirka koowaad ay qaar kamid ah warbaahinta gudaha dalka la galeen heshiisyo ku baahinayaan wacyi-gelinta "iyagoo mashruuc ku raadinaya".

Mashruucaas oo ay sidoo kale gacmaha kula jiraan hay'addo NGO-yo ah ayaa lagu bixinayaa dhaqaale, sidda ay xogta muujineyso.

Soomaaliya, oo laga helay 528 kiis oo ah Covid-19 ahna dal ay soo kabasho ku jirto dowlanimadiisa, ayaa xilliyadda ay dhacaan Musiibooyinka waxaa soo baxa shaqsiyaad isku daya in ay ka macaashaan sidda hada muuqata.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Lagu Eedeeyay Inay Dagaalka Al-Shabaab Ka Leexisay Jidkiisa

Macawiisleyda Beesha Xawaadle ayaa si weyn uga dagaallama gobolka Hiiraan, waxayna door muuqda ku leeyihiin howlgalada lagaga saaray Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    10-06-2025

  • 08:31AM

Qaran Midoobaya Mise Kala Firdhaya? Wadahadallada Qaran oo Galay Mugdi Siyaasadeed 

Dooda siyaasadeed ayaa sii kululaatay kadib markii Xildhibaan Yusuf Gamadiid uu si cad u dhaleeceeyay dowladda dhexe.

  • Soomaliya

    10-06-2025

  • 07:51AM