Wasiir Bayle oo u hanjabay Shirkado diiday bixinta Canshuurta

Image

MUQDISHO, Somalia - Wasiirka Maaliyada Soomaaliya ayaa digniin culus hawada u mariyay shirkado gaaraya 20, kuwaasi oo uu daboolka ka qaaday in ay gabi ahaanba ka goos-adeegayaan bixinta canshuurta xaqa loogu leeyahay.

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo aanan magac-dhabin shirkadahaasi, oo uu tibaaxay in ay yihiin kuwa ugu waaweyn dalka, ayaa ugu goodiyay in hadii ay bixin waayaan canshuurta ay albaabada isugu dhufanayaa xarumahooda.

"Tan iyo markii aan nimid, 20 shirkadood oo kuwa dalka ugu waawayn ah ayaa diiday in na siiyaan canshuurta, 10 kale ee aan ka qadaano, madaxa ayey noo saaran yihiin," ayuu wariyaasha u sheegay Bayle, maanta oo Khamiis ah.

Mr Bayle ayaa intaasi ku daray in shirkadaha ay haatan kula jiraan wadahadalo, isaga oo ku adkeystay in aanu meelna uga leexan doonin mowqifkooda ah in shirkadaha ay dowladdu siiyaan canshuurta.

"Ma idin magacaabayo…iska bixiya canshuurta, hadii aad bixin waydaa wadahadalka kadib, waa idin magacaabeynaa, mana sii shaqeysaneysaa, sharciga ayaana ku kala baxeynaa," ayuu hadalkiisu daba dhigay wasiirka.

Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in wasaarada iyo shirkadaha ay isku hayaan cadadka lacagaha lagu soo rogay, taasi oo ganacsatada ay ku doodayaan in ay ku badan tahay, iyaga oo codsanaya in laga yeero.

"Canshuurta bixiya, marka aad na siisaa nagula xisaabtama halka aan ku bixinay, diyaar ayaanu idinla nahay," ayuu raaciyey wasiirka Maaliyada. "In qaar laga qaado, kuwa kalena aysan bixin waa cadaalo daro," ayuu ku daray.

Dakhliga dowlada soo gala bishii ayuu sheegaya inuu haatan yahay 14 milyan oo dollar, isaga oo raaciyay in loo baahan 20-milyan, si 8-da million ee dheeriga ah mushaar looga dhigo ciidamada xooga.

Ugu dambeyntii, bisha Maarso ee sanadkaan ayuu daaha ka rogay in magaalada Washington ee caasimada Mareykanka lagu qabanayo shir lagu soo afjaro geedi u-socodka deyn cafiska ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya oo Hareeyay Shirka Kampala, Museveni oo Ku Baaqay Wada-hadal Loo Dhan Yahay

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka aragti duwanaaday soo jeedintan.

  • Soomaliya

    31-07-2026

  • 12:06PM