Wasiir Beyle oo lagu amray wax lacag ah laga bixin Khasnada Dawladda

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib markii la riday Ra'iisul Wasaarihii Xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre Sabtidii lasoo dhaafay waxay Villa Soomaaliya billowday tallaabooyin uga hortagayso in lacag lagala baxo Khasnadda Dawladda.

Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, oo maalin kahor loo magacaabay ku simaha Ra'iisul Wasaaraha dalka, ayaa Maanta tagey Wasaaradda Maaliyadda, isagoo Wasiir Beyle la wadaagay amar kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha, oo ah in aan wax lacag ah laga bixin karin Bangiga Dhexe, illaa xaaladda jirta laga baxayo oo Xukuumad laga dhisayo.

Madaxweyne Farmaajo iyo la-taliyeyaashiisa ku heeran ayaa isku dayaya inay kahor tagaan isku day kasta oo lacagta ku jirta Khasnadda dawladda uu kula bixi karo Kheyre, kadib markii xilka laga qaadey, sidoo kalena loo diiday inuu xafiiskii uu ku shaqeyn jiray tago.

Ku-simaha Ra'siiul Wasaaraha ayaa la sheegay inuu Beyle siiyay amar ah in la joojiyo lacagihii laga bixin jiray akoonadda wasaaradaha, maadaama Wasiiradda xafiiska ku joogaan si Kumeel-gaar ah, islamarkaana ay suurta-gal yahay wax isdaba-marin inay dhacdo.

"Intii aan ku sugnaa Wasaaradda Maaliyadda, Wasiir Beyle ayaa i siiyay warbixin ku saabsan dib u habeynta maaliyadeed, korarka dakhliga gudaha, miisaaniyadda iyo ka jwaabista cudurka COVID-19,' ayuu ku yiri Mahdi qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay maanta.

Marka lagu jiro xaalad kala-guur ah, waxaa la arkaa in madaxda waqtigooda dhamaaday ay lacago kala baxaan akoonada dawladda, iyagoo doonaya inay doorashadda kusoo galaan, taasoo hadda Villa Soomaaliya isku dayaysa inay kahor tagto.

Kheyre oo xilka laga qaadey isagoo aan ku suganayn Muqdisho, ayaa go'aanka Gollaha Shacabka ju ku tilmaamey mid sharci darro ah, oo aan loo marin hanaanka xukuumadda kalsoonida looga noqon karo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Burundi oo Ka Baxay Xawaadley Kaddib Fatahaado – AUSSOM

Ka bixitaanka Xawaadley ayaa imaanaya iyadoo ciidamada Midowga Afrika ay ku jiraan marxalad kala-guur ah oo hoos-u-dhigid ah.

  • Soomaliya

    03-06-2025

  • 11:21AM

Duqeymo Mareykanku Ka Fuliyey Buuraha Calmiskaad Oo Lagu beegsaday Daacish

Mas’uuliyiinta militari ee Puntland ayaa tilmaamay in howlgalka ka dhanka ah ISIS uu marayo gebogebadii.

  • Soomaliya

    03-06-2025

  • 10:53AM