Wasiir Bidhan oo bixiyay Ruqsad Kalluumeysi xilli uu Khilaaf jiro

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa billowday bixinta ruqsadaha kalluumeysi ee la siinayo shirkado ajnabi ah oo u ogolaanaya inay ka kalluumeystaan xeebaha dalka.

Wasiirka Kalluumeysiga Xukuumadda, Cabdullaahi Bidhan ayaa maalintii shalay [11-ka December 2018] heshiis kula galay Muqdisho, islamarkaana ruqsad uu siiyay Ururka Isu tagga shirkadaha Kalluumaysi ee laga leeyahay Shiinaha (COFA).

Munaasabada saxiixa oo ka dhacday Muqdisho, waxaa goobjoog ahaa Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed iyo mas'uuliyiin kala oo ka socotay COFA, oo dalka yimid ruqasadda.

Isagoo ka hadlaaya xafladda, wasiirka Bidhaan ayaa sheegay in ruqsadaha la siinayo shirkadaha shisheeye ay tahay tallaabo horey loo qaadey oo xaqiijinaysa in khayraadka loo isticmaalo sharci ahaan.

"Maanta waxaan bilownay bixinta ruqsad kalluumeysi oo u oggolaanaya kalluumeysiga Tuna, taasina waxay muujineysaa in Soomaaliya ay shatiyada u soo saarto hannaanka sharciga, "ayuu yiri wasiirka.

Marka laga soo tago saxiixa, Wasiirka ma uusan usoo bandhigin shacabka Soomaaliyeed macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan heshiiska mudadiisa iyo lacagta Wasaaradiisu qaadey COFA, ee looga iibinayo kalluuna qaaliga ah ee TUNA.

Saxiixan ayaa imaanaya xilli dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada uu khilaaf u dhaxeeyo, islamarkaana aan heshiis dhameystiran ka gaarin wadaagga dhaqaalaha khayraadka badda.

Muddo shan bilood kahor Soomaaliya ayaa u dhoofisay kalluun dalka Kenya.

Mudo sanooyin badan ah waxaa ka jiray xeebaha dalka kalluumaysi sharci-darro ah oo lagu xaalufinayay khayraadka badda, kaasoo aan lahayn dowlad awood leh oo ilaalisa 27-kii sano ee lasoo dhaafay.

Ilaa 2.4 milyan oo tan oo kalluun ah ayaa waxaa xeebaha Soomaaliya kala baxay doomo iyo maraakiib kalluumeysi oo shisheeye sanadihii la soo dhaafay, sida laga soo xigtay cilmi-baaris la sameeyay.

Kalluumaysiga sharci-darrada ah ayaa sabab u ah nidaam la'aanta dalka, waxaana doonyaha kaluumeysiga ee ajaanibta ay xaalufin ku hayaan kalluunka biyaha Soomaaliya, oo aan jirin cid maamusha.

Qaar ka mida kalluumeysatada maxalliga ahi ayaa dhibaatooyin xooggan kala kulma maraakiibka xaalufka ka wado xeebaha, kuwaasoo jirdil u geysta mararka qaarna doonyaha ay wataan ka burburiya.

Tan iyo markii ay burburtay dawladdii dhexe 1991-kii, Soomaalidu waxaan ka jirin ciidan badeeda shaqeeya oo xoog leh, islamarkaana kalluumeysiga sharci-darrada ah kahor taga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM