Wasiir Difaaca oo fahfaahiyay sharci ciidanka khuseeya oo BF ansixiyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada Gollaha Shacabka oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay Sharci, kaasi oo xuquuq siinaya ciidamada qaranka – labaduba, kuwa shaqeeya iyo gagoobay.

Fadhiga oo uu shir gudoomiye ka ahaa Afhayeenka Aqalka Hoose, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayna soo xaadirtay 174 mudane, waxay dhamaantooda u codeeyeen Hindisaha oo ay soo diyaarisay wasaarada Difaaca, taasoo 2017 gollaha wasiirada soo meel-mariyay.

Wasiirka Gaashaandhiga, Xasan Cali Maxamed [Amar-dambe], ahna mudane ka tirsan Gollaha Shacabka ayaa ugu horeyn uga mahad-celiyay Wakiilada Shacabka meel-marinta Sharcigaan.

Amar-dambe ayaa ku tilmaamay sharcigan mid daryeelaya askarta u taagan difaaca qaranka iyo kuwa howlgabka noqday, isagoo intaas raaciyay inuu xuquuq-siinayo caruurta ay ka geeriyoodeen askarta kamidka ahaa ciidamada xoogga dalka.

Sharciga ayaa inta aanan la horgaynin Xildhibaanada waxaa laga talo-geliyay shacabka Soomaaliyeed, taliyayaasha ciidamada iyo Guddiga difaaca Gollaha Shacabka, sida uu ka dhawaajiyay Wasiir Xasan.

"Dowlado militari ayaa ina soo maray…dowladdani ma ahan mid militari, waa tii shacabka..Gollaha shacabkuna wuxuu metalaa [rayidka], aragtida shacabka ayayna ku ansixiyeen,” ayuu yiri wasiirka.

Ugu dambeyntii, wasiirka ayaa daboolka ka qaaday inay dhowaan horgayn doonan Gollaha Shacabka sharciga difaaca qaranka, kaasi oo uu xusay inay ku gudajiraan wajigii ugu dambeeyay ee diyaarintiisa.

Ciidamada Soomaaliya oo jiida hore kaga jira Gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayaanan si wanaagsan u helin mushahaaraadkooda iyo daryaal caafimaad iyadoo Mareykanka 2017 joojiyay taageeradii u siin jiray sababo la xiriira musuq-maasuq lagu sameeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM