Goodax Barre oo sheegay in uu "fashilmay" Imtixaanka Puntland

Image

JOWHAR, HirShabelle - Inkasta oo uusan soo bandhigin caddeymo, wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa shaaciyey in uu guuldareystay Imtixaanka Shahaadiga ee dowladda Puntland.

Cabdullaahi Goodax Barre, oo magaalada Jowhar, kula hadlayey mas'uuliyiinta HirShabelle, ayaa u muuqda mid qiil u yeelay Imtixaanka ka fashilmay wasaarada uu madax u yahay.

Imtixaanada Federaalka oo lasoo dusiyey suuq madowna lagu iibiyey ayaa keentay in la laalo afar maado oo la galay, kuwaasi oo ay wasaaradu shaacisay in dib loo geli doono dhamaadka bishaan.

"Imtixaan wuu fashilmaa. Imtixaanka ay Puntland qaadeyso wuu fashilmay. Dalalka deriska nala ahna wuu ka fashilmaa, laakiin inta aan fashilaada u dhowaanay fiiriya, 104 goobood oo Imtixaanka lagu qaadayey, hal kaliya [ayaa bixisay]," ayuu yiri.

Ciidamada Booliska ayaa isbuucii hore shaaciyey in hal qof oo kamida shaqaalaha wasaarada Tacliinta Federaalka, si gaar ah kormeerayaasha Balanballe oo bixiyey Imtixaanka, lasoo xiray.

Mr Goodax Barre, Xildhibaan Golaha Shacabka, oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu dhinaca isaga leexiyey in go'aanka lagu baabi'iyey Imtixaanka uu isaga shaqsi ahaan gaarey.

"Maxaa dib loogu dhigi waayey go'aanka la gaarey? Waa talo fiican oo la isku soo qaaday. Ma ahan waxa go'aanka gaarey Cabdullaahi Goodax Barre. Bahda waxbarashada cidna kama maqneen," ayuu ku daray.

Hadalka Goodax Bare ayaa imaanaya xili Imtixaanaadka Shahaadiga ee fasalada 8aad iyo 4aad ee Puntland ay si rasmi ah u bilowdeen maanta oo Sabti ah, ayna u fadhiisteen ku dhowaad 16-kun oo arday.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo daah-furay Imtixaanka ayaa faray mas'uuliyiinta in ay adkeeyaan nabad-gelyada Imtixaanka, isla markaana aysan dhicin in la dusiyo.

“Hadalka Goodax waxaa uu u muuqda mid caalwaa ah kadib markii uu ku fashilmey ilaalinta Imatixaanada ay qaadeysay wasaarada uu madaxda ka yahay, waxaana uu jecleystey in kuwa Puntland fashilmaan.” Sidaas waxaa GO u sheegey sarkaal ka tirsan wasaarada Waxbarashada Puntland.

Wasaarada Waxbarashada Puntland illaa iyo haatan wax jawaab ah kama bixin erayada kasoo yeeray Goodax Barre kaasi ay horey ugala dhaxeysay xurguf ku saabsan arrimaha Imtixaanka.

Dowladda Puntland oo ku adkeysatay in ay iyadda maamulaneyso Imtixaankeeda ayaa ku dooday in bad-qabka midka ay qaadeyso dowlada aanan la isku haleyn karin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM