Jamaal oo si fudud ugu guuleystay doorashada Kursiga BF

Image

GAROWE, Puntland - Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa si sahlan ugu guuleystay doorashada Kursi kamid ah Gollaha Shacabka oo maanta lagu qabtey xarunta Aqalka Wakiiladda Puntland ee Garowe.

Doorashada waxaa ku tartamay labo murashax oo kala ahaa Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan iyo Maxamuud Cabdullaahi Maxamed, iyadoo cobxixinta ay ahayd mid natiijadeeda hore loo sii saadaaliyay.

Wasiir Jamaal ayaa helay 49 cod, waxaa xumaaday 2 cod, iyadoo musharaxii la tartamay uusan helin wax cod ah, Maxamuud Cabdullaahi.

Gudoomiyaha Gudiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka, Xaliima Yareey ayaa ku dhawaaqday natiijada doorashadii maanta ka dhacday magaalada Garowe, taasii ay goobjoog ahaayeen Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka Puntland, Odoyaal dhaqan iyo xubno katirsan qeybaha bulshada.

Kursigan ayaa deegaan-doorashadiisu tahay gobolka Sanaag ee Puntland, waxaana lagu qabtay Garowe.

Xildhibaankii kursigan iska casilay, Dhahar Cali Faarax ayaa loo magacaabay Qunsulka Soomaaliya u fadhiya dalka Jabuuti iyadoo dhinaca kale jireen heshiisyo kale.

Xaliimo Yareey oo Madax ka aheyd  guddiga Doorashada Soomaaliya In muddo ah ayaa iyadu ku shaqeysa awaamiirta Madaxada xiligaaas joogta Villa Somalia taasoo aan marni eegin sharciyada kuraasta lagu tartamayo.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM