Jamaal oo si fudud ugu guuleystay doorashada Kursiga BF

Image

GAROWE, Puntland - Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa si sahlan ugu guuleystay doorashada Kursi kamid ah Gollaha Shacabka oo maanta lagu qabtey xarunta Aqalka Wakiiladda Puntland ee Garowe.

Doorashada waxaa ku tartamay labo murashax oo kala ahaa Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan iyo Maxamuud Cabdullaahi Maxamed, iyadoo cobxixinta ay ahayd mid natiijadeeda hore loo sii saadaaliyay.

Wasiir Jamaal ayaa helay 49 cod, waxaa xumaaday 2 cod, iyadoo musharaxii la tartamay uusan helin wax cod ah, Maxamuud Cabdullaahi.

Gudoomiyaha Gudiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka, Xaliima Yareey ayaa ku dhawaaqday natiijada doorashadii maanta ka dhacday magaalada Garowe, taasii ay goobjoog ahaayeen Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka Puntland, Odoyaal dhaqan iyo xubno katirsan qeybaha bulshada.

Kursigan ayaa deegaan-doorashadiisu tahay gobolka Sanaag ee Puntland, waxaana lagu qabtay Garowe.

Xildhibaankii kursigan iska casilay, Dhahar Cali Faarax ayaa loo magacaabay Qunsulka Soomaaliya u fadhiya dalka Jabuuti iyadoo dhinaca kale jireen heshiisyo kale.

Xaliimo Yareey oo Madax ka aheyd  guddiga Doorashada Soomaaliya In muddo ah ayaa iyadu ku shaqeysa awaamiirta Madaxada xiligaaas joogta Villa Somalia taasoo aan marni eegin sharciyada kuraasta lagu tartamayo.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh oo Su’aal ka Keenay Xilliga ay Mucaaradku u Muddeeyeen Dibadbaxyada Muqdisho

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka inay la yimaadaan barnaamijyo siyaasadeed oo dhaxalgal ah.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 07:39PM

Farmaajo oo Dowladda ku Eedeeyay Caburin Bannaanbax, Kana Digay Xadgudub Dastuuri ah

Farmaajo ayaa sheegay in bannaanbaxyadu yihiin muujin nabadeed oo shacabka ay ku cabbirayaan cabashooyinkooda la xiriira maamulka iyo hoggaanka dalka.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 06:25AM