Wasiirkii Qorsheynta Jubaland oo isu casilay qadiyada Janan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Aadan Ibraahim Aw Xirsi ayaa Jimcada maanta ah ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jubaland.

Fariin qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee mareegaha Twitter-ka ayuu ku shaaciyey is-casilaadda.

Aw Xirsi ayaa sababta uu xafiiska u baneeyay la xiriiriyey "baxsashadda" Cabdirashiid Janan iyo gaaristiisa Kismaayo, xarunta ku meel gaarka ah ee maamul goboleedkaas.

Janan oo tan iyo bishii August, 2019 u xirnaa Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in uu 28-kii Janaayo, 2020 kasoo fakaday xabsi ay maamusho hay'adda sirdoonka Soomaaliya.

"Waxaan kaabbahaygii hore uga mahad-celinayaa fursadda uu ii siiyey in aan dadkayga u adeego," ayuu hadalkiisu ku daray.

Jubaland ayuu ku qeexay "maamul u dabbaal-dega oo hooy siiya nin caddaaladda ka baxsanaya oo ku eedaysan ku xad-gudub xuquuqda aadamiga".

Talafishinka ku hadla afka dowlad goboleedka Jubaland ayaa daboolka ka qaadey in Janan uu ka warbixin doono xaaladihii uu la kulmay mudadii uu xirnaa iyo sidda loola dhaqmay.

Sikastaba ha ahaatee, Aw Xirsi ayaa kamid ah mas'uuliyiinta xiriirka dhow la leh dowladda madaxweyne Farmaajo oo ku eedeysan faragelinta maamuladda dalka iyo federaal diidnimo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM