Wasiirkii Qorsheynta Jubaland oo isu casilay qadiyada Janan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Aadan Ibraahim Aw Xirsi ayaa Jimcada maanta ah ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jubaland.

Fariin qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee mareegaha Twitter-ka ayuu ku shaaciyey is-casilaadda.

Aw Xirsi ayaa sababta uu xafiiska u baneeyay la xiriiriyey "baxsashadda" Cabdirashiid Janan iyo gaaristiisa Kismaayo, xarunta ku meel gaarka ah ee maamul goboleedkaas.

Janan oo tan iyo bishii August, 2019 u xirnaa Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in uu 28-kii Janaayo, 2020 kasoo fakaday xabsi ay maamusho hay'adda sirdoonka Soomaaliya.

"Waxaan kaabbahaygii hore uga mahad-celinayaa fursadda uu ii siiyey in aan dadkayga u adeego," ayuu hadalkiisu ku daray.

Jubaland ayuu ku qeexay "maamul u dabbaal-dega oo hooy siiya nin caddaaladda ka baxsanaya oo ku eedaysan ku xad-gudub xuquuqda aadamiga".

Talafishinka ku hadla afka dowlad goboleedka Jubaland ayaa daboolka ka qaadey in Janan uu ka warbixin doono xaaladihii uu la kulmay mudadii uu xirnaa iyo sidda loola dhaqmay.

Sikastaba ha ahaatee, Aw Xirsi ayaa kamid ah mas'uuliyiinta xiriirka dhow la leh dowladda madaxweyne Farmaajo oo ku eedeysan faragelinta maamuladda dalka iyo federaal diidnimo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM